ururka SEEYO kaalin intee le’eg buu kaga jiraa waxqabadka gobolka sanaag

Ururka SEEYO waxa la aas aasay 17/4/2004, waxana lagu aas aasay shir ay soo qaban qaabisay wassaarada waxbarashada ee gobolka sanaag, ururka SEEYO oo loo soo gaabiyey kalmadahan afka qalaad lagu yidhaahdo(Somaliland Environmental Education Youth Organization) waxa uu kaga jiraa horumarka gobolka sanaag meel la taaban karo, ururka SEEYO waa urur dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo habloba.

ururka SEEYO waxaynu odhan karnaa waa urur ah voluntry oo u huraya ama u gubanaya danta reer sanaag iyo tan somalilanda.

waxyaabaha uu wax ka qabto waxa ka mid ah waxbarashada iyo deegaanka oo uu isbedel la taaban karo ka muujiyay intuu ka dhisnaa gobolka sanaag.

ururku wuxuu wadaa dugsi ay waxku bartaan dad gaadhaya ilaa 500 oo qof oo furan laga bilaabo 1:30 pm ilaa 9:00 pm oo ay wax ku bartaan arday isugu jirta wiilal iyo habloba, iyo weliba dadkii ka habsaamay waxbarashada ee ay ka soo dhex galeen dagaaladii ba’naa ee soo wajahay dalka.

xaga degaanka, ururku wuxuu dhir fara badan ku beeray dugsiga sare ee magaaalada ceerigaabo iyo meelo badan oo u badan dugsiyo, isagoo weliba ururku wado hado tababaro uu ka furay buuraha SURUD/DAALO,si kor loogu qaado wacyi gelinta degaanka waxana gacan ka siisay hayada Germanka ah ee (German Agro Action)loona soo gaabyo G/A/A.

waxba yaanan hadalka idinku daalin ururka SEEYO waa xidig u soo baxday gobolka sanaag iyo dhamaanba gobolada kale waxaanu ka codsanaynaa oo kaliya wallaalahayaga in ay nala garabgalaan hawsha aanu wadno, si aanu u sii wadno hawshaanu wadno.

 

lasoco qaybta danbe

waxa qorey soona diyaariyey.

Awil Hussein Hasan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: