damaca C/laahi yuusuf Axmed

Markii ay ciidamada gumeysatada madow xoogga ku qabsadeen Jamhuuriyadda Soomaaliya dhamaadkii bishii diseembar, waxaa kooxda Mbagathi u muuqatay rajo aheyd  inay maamuli karaan dalka oo dhan, ayna yihiin awooda kaliya ee kusoo hartay masraxa siyaasaddeed ee Soomaaliya, maadaama meesha laga saarey maamulkii MMIS, sidaas-dareteedna ay dunida reer galbeedka ka heli doonaan taageero dhaqaalle iyo mid siyaasadeed oo u suurta galisa inay noqdaan awoodda  kaliya ee dalka  wax laga waydiiyo, waxayna Cali Geeddi iyo Korneyl C/llaahi Yuusuf si hal-haleel ah u tageen magaalada Muqdisho si  ay caalamka  u tusaan in ay gacanta ku hayaan dalka oo dhan,  waxayna kulamo siyaasaddeed ku qabteen xaruntii madaxtooyada  ayagoo munaasabado badan ka sheegay inaysan diyaar u aheyn wax dib u heshiisiin ah inay lagalaan xooggaga kasoo horjeedey,  ayagoo adeegsadey erayo jeesjees ah.

Ayadoo maanka lagu hayey in diidmada C/llaahi iyo Geeddi  ee dib u heshiisiintu tahay mid  dhalanteed  ah oon aan dhab ku salaysnayna ogaa awooda ay ku faanayeen inay ahayd tan Itoobiya,  ayaa haddana waxaa muuqatay in labadii todobaad ee ugu horeysay  qabsashadii dalka, in beesha caalamka  iyo Soomaaliduba  madaxa hoos u raariciyeen  si bal loo eeggo halka ay u tallaabsadaan,  iyadoo dhanka kalena laga dhursugayey jawaabta ay bixiyaan dadka Soomaaliyeed ee diidanaa ciidamadda xoogga ku qabsadey dalkooda,  gaar ahaan waxaa la iswaydiinayey haddii Itoobiya iyo kooxdii ay ku adeeganaysay adkaadeen!!!  shacabku mala shaqeyn doonaan  mise waa ka hor imaan doonaan, oo  waxay bilaabi doonaan dagaal wax iska caabin ah.

Nasiib wanaag sidii  uu filyayey qof kasta oo ogaa in awoodii iyo xooggii Maxaakimta Islaamiga ah iyo shacabkii Soomaaliyeed ee taageersanaaba ay badbaadeen kuna mash-quulsanaayeen la jaanqaadka xaaladda cusub iyo badalidda xeeladdii dagaalka   waxaa uu helay jawaabtii uu filan karay oo aheyd inaan cadowga la isku dhiibin ee la halgamo.

Markii uu si fiican halganku  uga bilawdey dalka, gaar ahaan caasimada oo ah meesha  inta badan la geeyey xooggii gumaysatada madow iyo nidaamka shaabadda u ah, waxaa mar qura aduunku ku dhawaaqay gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in  la qabto shir  dib u heshiisiin qaran oo loo dhan yahay lagana qeyb galiyo dhamaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Maxaakiimtii Islaamiga.

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa ku dhawaaqey inaysan dowladda  Maraykanku taageereyn kooxda Mbagathi  illaa ay ogolaadaan in la qabto shir  dib u heshiisiin dhab ah, lana dhiso dowlad tayo leh oo ay ku jiraan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida. Waxaa talabadaas mid  la mid ah soo jeediyey  u qeybsamaha arrimaha hormarinta ee midowga Yurub Louis Michel oo asagu mowqifka Maraykanka mid ka dhiiran qaatay. Dowladda Talyaaniga ayaa ayaduna illaa hadda wadda dadaalo dublumaasiyadeed oo lagu hirgalinayo fikradaas, una arragta sida laga helayo ilo dublumaasiyasdeed shirka uu C/llaahi Yuusuf ku dhawaaqey mid aan laga helayn miraha la doonaya inuu ka dhasho shir dib u heshiisiin qaran oo dhab ah oo dhexmara dhinacyada ay ku xiran tahay xal u helida arrimaha Soomaaliya.

Zenawi inkastoo dhib kasta oo kasoo gaaraya qabsadashada Soomaaliya uu ku tala galay maadaama  uu soo hooyey guul taariikhi ah oo dadka reer Itoobiya ku dhaadan doonaan maadaama Janaraaladoodii ay saldhig ka dhigteen wasaaraddii gaashaandhiga oo mar xarunta u ahayd Janankii caanka ka dhex ahaa Janaraaladii Afrika ee todobaatanaadkii (Janaraal Maxamed Cali Samatar) haddana ma xamili karo dhaqaalaha iyo khasaraha joogtada ah ee  kasoo gaaraya ciidamadiisa  weerarada ay ku hayaan xooggaga wax iska-caabinta oo si joogto ah ugu haya weerar aan kala go laheyn, sidoo kale Zenawi inuu kooxda Mbagathi ee uu soo  dhistay  oo aan waxba gacan ku heyn uu ka baxo dalka waxaa  ay ula mid noqotay Maxkamadihii dib ha u qabsadaan Soomaaliya,  taasoo uu shir jaraa`id ku sheegay  bartamihii biishii Feebaraayo.

Dhibaatada intaas ka daran oo Zenawi soo wajahdey waxa ay ahayd in beeshii caalamku siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay  dhabarka ujeediyeen kooxdii Mbagathi  oo aan haysan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed oo asagu ku jira halgan iyo is xoreyn, sidaas darteed Zenawi waxaa uu goostay inuu badalo siyaasadiii ahayd diidmada qayaxan ee dib u heshiinsiinta ee uu markii hore faray adeegayaashiisa Soomaaliya,  sidoo kale  waxaa uu u muuqatay in loo baahan yahay in la badalo xeeladda si loo qaldo beesha caalamka, loona jiiro difaaca shuruudaha ah ee ay u dhigeen taageero ay siiyaan kooxda Mbagathi oo loo arko koox  aan wax xiriir ah la laheyn bulshada Soomaaliyeed haysana taageerada shacabka.

Haddaba si taas loo suurta galiyo ayaa Zenawi waxaa uu C/llahi Yuusuf amray in shirkii madaxweynayaasha Afrika ee ka dhacay magaalada Addis-ababa intii u dhaxaysay 22-23 Janaayo 2007 inuu ka hor sheego inuu diyaar u yahay inuu qabto shir dib u heshiisiineed oo la`isugu keeno bulshada Soomaaliyeed, uuna la hadli doono dhamaan dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, qorshahaan oo ahaa mid looga dan lahaa in lagu helo lacago deeq ah oo ay dowladdaha Yurub iyo Maraykanku balanqaadeen, sababtoo ah markaas waxaa shirka ka qeybgalayey u qeybasanaha Midwoga Yurub ee  arrimaha hormarinta Louis Michel, Midowga Yurub waa deeq bixiyaha ugu weyna ee arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena waxaa looga dan lahaa baaqaan uu C//llaahi ka jeediyey shirka  Madaxda Afrikaanka in  lagu marin-habaabiyo dib u heshiisiintii ay soo jeediyeen beesha caalamku  oo ah mid ka duwan mida ay wadaan C/llaahi iyo Zenawi.

Qorshahaan ayuu farsamo ahaan Korneyl C/laahi Yuusuf waxaa uu uga dhigay garwadeeno C/risaaq Cusmaan Juriile iyo Ismaaciil Hure  Buubaa oo ah labo nin oo ku caan baxay musuqmaasuq iyo wax ku boob magaca ummadda Soomaaliyeed, labadan shakhsi ayaa isla markiiba qorshe maran oo ay soo abaabuleen waxaa ay la tageen xarunta Midowga Yurub Brussels, Belgium, ayagoo dalbaday lacag malaayiin doolar ah oo lagu hirgaliyo waxa ay ugu yeereen shir dib u heshiisiineed oo ay ka qeyb qaadanayaan saddex kun oo qof oo Soomaaliyeed.

Xog-oggaal u dhuun-daloola arrimaha Midowga Yurub ayaa inoo cabdeeyay in saraakiishii ka socotay Midowga Yurub ee la kulantay Buubaa iyo Jurile ay aad u suluugeen habka ay Juriile iyo Buubaa iskugu soo duba-rideen qoraalka faah-faahinayey shir ku sheegga dib u heshiinsiinta, waxaana soo baxaya warar tibaaxaya in Midowga Yurub ay si weyn uga caga-jiidayaan maalgalinta qorshahaan.

Dhanka kale, warar xog-oggaal ah ayaa tibaaxaya in bisha Abriil horaanteeda uu shir wadatashi ah ka dhici doono dalka Talyaaniga. Shirkaas oo lagu martiqaadi doono tiro kooban oo Soomaali ah kana kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida oo ay ku jiraan xubno matalaya Maxaakimtii iyo kooxda Mbagathi, waxaana ujeediisa lagu tilmaamay in laga soo saaro qorshe ku saabsan hab-raaca tubta nabad raadinta Soomaaliya iyo sida ugu habboon oo lagu qaban karo shir dib u heshiisiin oo la jaanqaadi kara xal u helida mushkiladda Soomaaliya, ayna ka qeybgali karaan dhamaan dadka xaqa u leh wax ka dhihida arrimaha Soomaaliya. Shirkaan dambe ayaa u muuqan kara mid ka duwan midka ay C/llaahi iyo Geeddi abaabulayaan oo ay ka leeyihiin ujeeddooyinka gaaban oo ku eg helida dhaqaale la lunsado iyo marin habaabinta dhabaha ay tahay in loo maro dib u heshiisiinta ay ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay.

Arrimahaas oo dhan oo jira ayaa haddana haddii C//llaahi qaabka uu u abaabulay shir ku sheegga dib u heshiisiinta uu ahaan lahaa mid si qurxoon loo abaabulo oo dadka qaarkiis markaas moodaan in meesha ay dib u heshiisiin ka jirto, balse nasiib wanaag qaabka C/llaahi u abaabulayo shirka ayaa ah mid isla markiiba marqaati cad u noqotay inu uu yahay shir looga  dan leeyahay dhagar iyo  marin habaabin.

Tusaale ahaan shalay waxaa uu magacaabay guddiga shirka  dib u heshisiinta,   waxaana gudigaas xubno ka ah shan xubnood oo marka laga reebo C/raxmaan Guulwade  afarta kale ay yihiin qab-qablayaal hore oo shacaka dambiyo ka galay iyo qaaqlayaal  iyo af-miisharo uu kasoo aruursadey suuqyada, oo aan wax qiimo iyo sumcadna  ku dhex laheyn bulshadda. Sidoo kale markii uu sheegay dadka shirka ka qeybgalaya oo ah dad shacab caadi ah oo wax dhibaato ah oo ka dhaxeysa aysan jirin, gacantoodana aysan ku jirin xal ka gaarida dhibaatada Soomaaliyeed ayaa ayana wax cadeyn buuxda u tahay  in ujeeda odeygu tahay saddex kun oo shimbirood intuu xero ku xareeyo haddana ku yiraado  “shimbirayahow heesa oo  u heesa saan anigu rabo.

Gunaanadkii waxaa bulshada Soomaaliyeed la gudboon in ay ka hortagaan shir ku sheeggaan uu soo abaabulay Zenawi, uuna u soo wakiishay shaqaaliiisa Soomaaliya.  Danta uu ka leeyahayna ay tahay in lasii fogeeyo jiitanka dhibaatada Soomaaliya iyo  shilamaad ay ku dhunsadaan damiir laawayaal aan wax kale ka shaqeyneyn inay helaan shilimaad ay dhunsadaam maahane, dal iyo dadna aan wax dan ah ka laheyn amaba aa lagu aqoon damiir ku fakara inuu ka shaqeeyo danaha dadka iyo dalka sida Geedi iyo C/llaahi, Buubaa iyo Juriile.

Waxaa ummadda Soomaliyeed la gudboon in ay qaataan laba qodob midkood: 

1- Taageerda muqaawamada iyo halganka lagu xoreynayo dalka.

2- Taageeridda shir 
ka duwan midkan oo ujeedadiisu tahay in heshiis laga gaaro dhibaataada ka jirta dalka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dadka wax ka gaysan kara xal u helida dalka.aqoon yahanka .iyo dadka wadaniyiinta ah.

 

waxa soo qoray

Awil Hussein Hasan(dhoore)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: