Maansadii la magacbaxday HAWD iyo abwaan Maxamed Yuusuf Muxumed

Maansadan cusub ee la magacbaxday HAWD waxa curiyay Maxamed Yuusuf Muxumed,waxaanay si guud mar ah uga sheekaynaysaa ugana Xog-waramaysaa doorka uu ku dhex leeyahay Gobolka Hawd bulshada reer Somaliland iyo inuu u qalmo Magacaabista uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin uu u magacaabay.
Ma habrado ninkii ragi
Hadalkii gefkeenaya
Haasaawe kuma daro
Maansana habeenteed
Hide weeye dhaxaloo
Habeen laguma seexdoo
Hadal lama daldala oo
Layskama hataaqee
Murtibaa la haadshaa
La hufaa hanaanshaa
Hilaacbaa la bixiyaa
Hanqadhbaa la tuuraa
Hordhacayga weeyee
Yoolkaan higsanayiyo
Aan higaadsho danahoo
Hoos aan u dhaadhaco
Warka waanu haynaa
Hawd iyo xagaa sare
Gobol loo hanwaynaa
Inuu hirarka soo galay
Doqonbaa habawsanoo
Hilinkay maraysiyo
ka hallawda dawgee
miyaa hirad la moogaa?
Miyaan hawd ilawnaa?
Hadhac wada qabaw iyo
Hoobaan bislaatiyo
Hohobtiyo madheedhkiyo
Midhacaanta hawrtee
Ruuxii hantaaqiyo
Nolol halisa soo maray
Heehaabayee nacab
Hareeraha ka joogeen
Hore iyo dib soconayn
Nafta uu ku haba iyo
Hiishiyo maraagiyo
Qudhac soo hadoodilan
Hanadkii galooliyo
Higlada iyo maadhiyo
Caws heetigii iyo
Halab timo haweenliyo
Huluftii dareentiyo
Doogii is haystee
Aadmigii humbuulsadaa
Haydhhaydhka galayiyo
Himishiyo nagaadhii
La hilmaami maayoo
Hawdbaa lahaan jiray
Gobol loo haneeyana
Wuu haybad mudanyahay

Haadiyo shimbirihii
Markay huur dareemaan
Hawadaa is lulijiray
Ama goray haldhaagii
Quruxlii haboonaa
Jeeniga habqaadkaa
Marba garab huflayntaa
Talaabada haflayn jiray
Haafleeg sakaaradii
Meeshuu ramaas helay
Hadhka doonanayseen
Cidi haybsanayniyo
Deerooyinkaan hubee
Hanti noogu filaniyo
Hariiryaale garigii
Huush hamay diglaaliyo
Hogoshaan ahaynee
Baxsanaa hufnaaiyo
Haaluflaydii dacawee
Gabi habar dugaag
Hindisaha u haysee
Caqli lagu hamsiiyiyo
Harmacadkiyo shabeelkii
Geedaha halaasiga
Kolba laan hilaabsiga
Hodanimo ku gami jiray
Iyo halyaygii libaaxee
Goolaaftan hiilkiyo
Geesinimada hubinjiray
Halka ay ku noolyiin
La hilmaami maayoo
Hawdbaa lahaan jiray
Gobol loo haneeyaana
Wuu haybad mudanyahay

Hanti waxan ku faanaa
Hilibka iyo caaniyo
Heenka iyo subagiyo
Heemaar la shiiliyo
Burcad laysku hayliyo
Awr heeryo lagu raray
Oo haan la saaro
Herer loogu dhaan tagoo
Lagu soo haraad baxoo
Xoolahaan ku haynaa
Iyagaynu hoy dhaba iyo
Dermo aan ku hurudniyo
Hugaan qaadanaynaba
Haragood ka saarnaa
Hawdbaanay joogaan
Gobol loo haneeyana
Wuu haybad mudanyahay

Halgankii qadhaadhaa
Hoogiyo jabkii dhacay
Dadkii ugu horeeyee
Hantidooda dhiibee
Soo huray naftoodee
Himilada gumastaha
Gacan kaga horyimidee
Jabhadii habeeyee
Goob laga hagaa iyo
Hoy lagu nagaadiyo
Sooraan la heli Karin
Degdeg ugu horaayaa
Hawd sare ku nooloo
Higashiyo afxumaiyo
Calool hoolimaadliyo
Honqor aan bogsooniyo
Hilaab dhan u janjeedha
Midna laguma haybshoo
Waa daacad heegana
Gobol loo haneeyaana
Wuu haybad mudanyahay

Nabadaynu haysano
Rabibaa ku hawlee
Duqaydii hormuudkee
Sida dhibaca hooree
Goortii la kala hadhay
Qabiiladu hirdamayeen
Ninba halaq ka baqayee
Hubkii dhiibi waayay
Iyagu u horseedee
Hawsarkoodi dhigayee
Bulshadii hagaajee
Naxligii haleeyee
Dalka hore u riixee
Hogaanshee wacneeyee
Sama talis hagoogtee
Markay hooda leediyo
Kolkay hiil u baahato
Marna aan habsaaminbaa
hawdsare ku nooloo
Gobol loo haneeyaana
Wuu haybad mudanyahay
Waanan ku hambalyaynoo
Farxad weeye hibiqloo
Mudo aan u heelnayn
Maantana halgaadhaye
Waa inaan u heesnaa

Afartaa halkeedii dheh
Mansabkay ku hoyatiyo
Maansada halhayskeed dheh

Hoobal kale waxaan leeyay
Hagaajoow alahayoow
Gacmahaan ku hoorsaday
Adigaan hantaaqane
Gobolkaa la halacsaday
Hooyadii dalkeenaa
Habayee dhaqaajiyay
Rabow hogosha roobkiyo
Raxmadaada ku horoo
Ka yeel madal la hiigsado
Rabaw habacsanaaniyo
Hurdo aan dhamaaniyo
Heedadaw ka saaroo
Hawlkarnimo alaw sii
Allaw shacabka hawd yaal
Hal walaal ka yeeloo
Hadaf kaliya shiishoo
Hiyyi qudha wadaaga
Bulshadani hayaankee
Hanuuntee socdaalkaana
Allaw heersan gaadhsiii
Hulumbiyo allaw deyr
Wixii cudur na heli kara
Allaw heego muuqdheer
Ku had somalilaanoo
Habaaskiyo darxumadana
Hareeraha ka mariyoo
Rabaw hodan nimcaa iyo
Ka yeel meel la hoos galo
Hugunkaa dadweynee
Haweeniyo caruurlee
Hablo iyo inama lee
Cirooluu horkacayana
Naxariis hirdoogliyo
Rajo aad hangalisaan
Haatan kaa baryaayaa
Allaw hiririfkeediyo
Hanfigiyo kulaylkiyo
Qoraxdaa holcanaysana
Hadh qabaw u daahoo
Cimiladan hagaashkaa
Halisteeda ka ogoow

Waxa qoray soona diyaariyey

Awil Hussein Hasan
.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: