xuska Maalinta Gooni isu taaga S/land oo laga xusay magaalo madaxda gobolka Sanaag ee ceerigaabo

Munaasibadda Xuska 18-ka May oo ku beegan Markii ay Somaliland Xoriyadeeda kala soo noqotay Somaliya, ayaa si wayn looga dareemayaa qaban-qaabadeeda, guud ahaan dalka oo dhan. gaar ahaan magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo.

Waxaa aad loo qurxiyey fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada ceeerigaabo iyada oo beerta xoriyadda iyo wadooyinka waawayn ee Magaalada dhexe mara ayaa meel kasta lagu arkayaa oo uu sugan yahay calanka somaliland iyo Mukarafoono ama cod-baahiyeyaal.

Waxaan hawsha qabanqaabada wax ka waydiinay Maayarka magaalada ceerigaabo  Mudane Ismaaciil xaaji nuur wuxuuna yidhi Qaban-qaabada xuska 18-ka May madex-banaanida somaliland, aad ayaa loogu diyaargaroobay sanadba sanadka ka sii danbeeya ayay ka sii xoogaysanaysaa. iyada oo aanu ugu talo-galnay oo aanu samaynay meel laga khudbadeeyo, magaalada oo dhan ku baahinay sameecado, isaga oo qof waliba mukhaayadaha iska fadhiya uu u dhagaysto khudbadaha, hadalada iyo barnaamijyada beerta xoriyada ka socda sanadkan waxaanu ugu talo galnay meelahaas laga dhageysto maadaama oo aanay qaadayn dadka beerta xoriyadu wasaarada warfaafintuna sanadkan si toos ah ayey uga sii daynaysaa waxa ka socda beerta xoriyada.

Dhammaanba dadka oo dhan waxaan leeyahay ciid-wanaagsan sanadkan sanadkiisa ku ciida basha-bash iyo barwaaqo, habeenimadana xaflad aad u ballaadhan ayaa lagu dhigdoonaa Madextooyada anaga ka dawlad hoose ahaan sanadba waxbaanu ku kordhinaa waxaanu ku kordhinay calamada oo aanu meelkasta sudhnay iyo laydhadh qurux badan oo aanu ku xidhxidhnay wadooyinka mihiim ah ee magaalada, markaa shaqo mihiim ah ayaanu qabanay hadaanu nahay dawlada hoose.

Kusiisimaha gudoomiyaha gobolka  mar aanu waxka waydiinay sida uu arko xuska 18-ka may iyo waxa uu shacabka reer Hargeysa uu ku odhan lahaa munaasibadan awgeed ayaa waxaa uu yidhi. ” bashbash iyo barwaaqo ku ciida nabad galyadiina ilaa shada ayaan leeyahay shacabka reer Hargeysa waxaan leeyahay xaflada ha laga soo qayb galo ta habeenkii iyo maalinimadaba, dadkuna nabad galyadooda ha ilaaliyaan oo dantooda ha gartaan, maadaama oo aanay wax dhibaato ahi aan jirin oo asxaabtii iyo xukumadii ay wada hadlayaan, markaa waa in qof waliba ilaashadaa nabad galyada.

Sidoo kale waxa ay qaban qaabooyin kala gadisani ay ka socdaan dhamaan gobolada dalka oo dhan oo laga xusay   maalinta gooni isu taaga Somaliland.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: