raaxada guurka iyo ciyaarta danbe

——————————————————————————–

Guurka wa nasteexo alle u baneyeey umadaha Islaamka hadaba waxa jira dad badan oo ka faa’ideystay guurka ,inkasto uu yahay Guurku Sunno farala.

Guurka waxa jira siyaabooyin badan oo dadka is guursanaya
isku xushaan sida:

Diinteena suubaanb Dhaqanka,Qoyska,Gabadha,ama Wiilka, Quruxda,Dabecada,IWM.

waxa jira sifooyinka kala duwan oo ay dadka ka bixiyeen guurka.

Dadku markey is gursanayaan waxey isku soo xushaan qabab kala duwan oo ay isugu qanacsan yihiin lamanaha doonaya iney nolosha kalinimda ka baxaan oo ku biraan nolosha lamanaha misna yagleelaan qoys cusub ay ku so biriyaan dunida .

hadaba taa iyadoo jirto ayaa waxa bar bar socota cadalad darro ka dhex jirta bulshada taaso aan ku tilmaami karo hal ama laba ka qoraal ahaan.

marka ay iska helaan wiil iyo gabar is ku da’ah ama iska daba dhaw waxba lagama shego masalan wiil haduu jiro 30 ilaa 40jirka gabadhuna ay ka yartahay ilaa 5jir ama10jir wa iska caadi sida iney jirto 25 ama 30 jir .

haddii aan guda galo dulucda qormada akhristoow “Yaa ka Mas’uul ah Cadalad darada Guurka. ”

mar hadii gabadha iyo ninka is guursaday uu ka weyn yahay ninka dadku waxba kama shegan sida aynu ognahay haduu yahay xitaa nin dhali kara ama laba jibaar dhali kara ,waxa jirta murti oraneysa “Naag Ninkii Dhali kara Ayaa dhaqi Kara ”

hagaag hade maxa gabadha wiilka ay isdortaan ama isi so xushaan hadii ay ka weyntahay sanad inku dhaw laba sano ama ilaa sanooyin waxa jirta dhaleeceen soo wajahda gabadha soomaliyeed, tasoo aan ku tilmaami karo mid cadaalad daro ah Ogow Ninka guursaday gabadha yar oo dhali karo ,lana yiri Naag ninki dhali kara yaa dhaqi kara maxaa u diiday iyadana in lo sameeyo murti wanagsan ,ama xitaa aan la dhaleceeyn gabadha Hadaan idiin xusuuusiyo Nabiga Suban Calayhi Salaatu Wasalaam guurkiisii ugu horeeyay wuxuu ahaa Qadiija Binti Quwaylid radiyalaahu canhaa oo jirtay 40 sano …

halka uu nabiga jiray 25 sano ….hadaba dib u eeg farqiga u dhexeeya labadooda taaso weeligeed aan laga murmin Hadaba aqristow miyaanay ahayn in nabiga suuban aan ku dayano raacnanan wadadiisa….

waxaan dareemi karnaa dhamaanteen maadaama aynu nahay bulsho islaam ah hadana nalagu tilmaamo inaynu nahay bulsho ilbax ah oo furfuran dhan walbaba maxaa keenay cadaalad daradaan ka dhex taagan guurka? maadaama ay is guursanaayaan dad isku qanacsan oo hadadna is doortay.

Si kastaba ha ahaatee,guurku waa god mugdiya oo gacan loo daayay,taasna waa sababta ay lamaanayaal badan ugu faa-iidaan kuwa kalana ugu qasaaraan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: