Doonida sida somaliland iyo siyaasada riixaysa

Waxaan jeclaanlahaa inaan Aragtidayda shaqsiga ah, ku faaleeyo Fooraha Siyaasadeed ee wakhtigan xaadirka ah Lulaya khariiradda Somaliland.Waxaana la odhan karaa waa mid saamayn wayn ku leh dhamaanba dalka iyo dadka Somaliland,haddii ay ahaan lahaayeen Madaxda Siyaasadeed ee qaranka Somaliland, mucaarid iyo muxaafidba.

Waxaana La odhan karaa Somaliland waa Dall ka wayn kana Horumaray Qalalaasayaasha Siyaasadeed iyo Maamul ee ka taagan dhamaanba Qaaradda Afrika iyo weliba waddamada Inagu xeeran ee ay ka mid yihiin Somalia,Eithopia,Sudan iyo Kenya.

Waxaana taasi Sababay Dadka reer Somaliland waa Dad Leh dhaqan ay ku wadaagaan dhamaanba wixii ku soo kordha Noloshooda iyo Dalkooda hooyo ee Somaliland.Waxaanay dheeryihiin Bulshadda Somaliyeed ee kale,waxay leeyihiin kuna Caano iyo Nabbadba maaleen waxyaabahan hoos ku xusan,

1. Isu-tanaasulka siyaasadda iyo maamulka

2.Ixtiraamka waxgarradkooda,haddii ay ahaanlahaayeen,Culimadda Diinta,Siyaasiyiinta,Sulaadiinta,Cuqaasha,Aqoonyahanka,iyo dhamaanba ciddii ka Talisa wanaaga iyo sharafta Somaliland.

3. Iyaddoo bulshadda reer Somaliland iyo maddaxdeeduba ka simanyihiin Jirritaanka Qaranimadda somaliland,kuna dhaqmaan Dastuurka ay dadka reer Somaliland ugu codeeyeen 97%.

4.Dalkani wuxuu kusoo caano-maalay, Dadka waxgaradka ah ee Ilaahay subxaana watacaalaa Inoo dhaliyay,waayo waxaad garankartaa dhibaatadda haysatta Somalia ee ay ka mid yihiin Gumaysiga,Dilka dadka rayidka ah,Barrakicinta bulshadda tabaalaysan,iyo Mustaqbal-xumadda hadhaysay wadankii la odhan jirray Somalia.waxaana la odhan karaa waxaa sababay dhibaatooyinkan haysatta dadkaasi waa iyagoo aan lahayn dad wax garrad ah oo u damqanaya dadkoodda iyo dalkoodaba.

Si kastaba Arrimuhu ha ahaadaane,waxaan leeyahay una sheegayaa Bulshadda Somaliland guddo iyo debedba ‘Somaliland way ka horumartay isqabbsiyadda Siyaasadeed,waxaanay dhaqan u leedahay in marka arrintan oo kale Timaado, dhinackastaaba muujiyo karti,daacadnimo iyo dulqaad ay ugu dulqaadanayaan Bulshadooda iyo dalkooda hooyo ee Somaliland.

Waxaana aanu shakki ku jirrin in dhamaan Siyaasiyiinta Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba ay u muujin doonaan dadkooda iyo dalkooda Dhamaanba Xallinta khilaafkan Siyaasadeed ee Yar Cakirmay.Ayna soo bandhigi doonaan Istaraatijiyad balaadhan oo fududaysa Xalka Siyaasadda waddankeena,Isla markaana loo dhamayn karro arrimahan siyaasaddeen ee ka taagan dalkeena hooyo ee Somaliland dhamaantii.

Waxaan soo jeeddin lahaa in Bulshadda somaliland ay Adkaysatto Nabbadda Astaanta gaar ahaaneed inoo ah,ee aynu ku dheernahay dhamaanba inta baddan ee Qaaradda maddow ee ‘ Afrika ‘.

Waxaa kale oo aan jeclaanlahaa inaad u sheego cidkasta oo danaysa Arrimaha siyaasaddeed ee Somaliland, in uu dalkani yahay Dall aanu marnabba qalalaase iyo dhibaato toona ka dhacayn Map-kiisan greenka ah ee ka dhex Ifaya Geeska Africa.

Waayo Somaliland waa dal iyo dad ay Astaan u yihiin dhamaanba waxyaabaha wanaagsan oo dhammi,Sida

1.Ku dhaqanka iyo ka Run-sheega Shareecadda Islaamka.

2.Dhaqanka dahabiga ah ee ay ku caano iyo nabadba maaleen Bulshadda reer Somaliland.

3.Xilkasnimadda Siyaasiyiinta Somaliland iyo Tafaahumka maddaxda dalka mucaarid iyo muxaafidba.

4.Dulqaadka iyo in wax walba la isugu dulqaato danta dadka Somaliland ee rajjadda Fiican leh ee soo Ifaysa mustaqbalkeena

Guntii iyo Gebbo gebaddii waxaa inoo balan ah haddii aynu nahay Bulshadda Somaliland guddo iyo debedba.Yarr iyo waynba,inaynu Ilaashano Waddankeena sharafta iyo karaamadda mudan ee Somaliland.

Kana fogaano Si xun wax u sheega,iyo maangaabka is-leh, Somaliland si dhib yar ayay u burburi kartaa,iyo cidd kastoo wax u dhimi karta Cisigga iyo sharafta waddankeena Somaliland.

Bulshadda somaliland eey waxaa astaan inoo ah

Ilaalinta nabadgelyadda waddankeena somaliland

Xaqdhowrka siyaasiyiinta dalka somaliland

Ku dhaqanka Dastuurka qaranka Somaliland.

Addeecidda waxgarradka dalka Somaliland.

Awil Hussein Hasan
Email: cawilsahan@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: