dhoofka iyo jacaylka

Maqaalkan oo ah maqaalkii sadexaad ee aan soo saaro oo ka waramaya dhoofka iyo jacaylka iyo weliba halka ay dhalinyaradu kaga jiran.

markastana waxa fiican marka maqaal aad qorayso in aad ku fadhiisiso arin xaqiiq ah oo dhacay.

waxa aan doonayaa in aan halkan idiinku soo gudbiyo arin xaqiiq ah oo ka dhacday gobolka sanaag.

waxa dhacday in ay inan la yidhaahdo Aamina Siciid Saalax, ay aad isu jeclaayeen inan la odhan jirey Axmed Jaamac Warsame, inankaas oo ay isku dugsi ahaayeen ayaa sida uu ii sheegay Axmed, waxay sheekadoodii ugu horaysay ka bilaabantay geed weynaa oo uu lahaa dugsigoodu halkaasna ay isugu iman jireen kuna kaftamijireen maalin kasta oo ay ka soo baxaan dugsigooda.

Geedkan ayuu yidhi oo iminka loo bixiyey (GEEDKA JACAYLKA) ayaa jacaylkayagu ka unkamay, waxay sidaa ahaatoba maalinmaalmaha ka mida ah ayaa ay Axmed u timi Aaminii oo ku tidhi Axmed waxaan doonaya in aan kuu sheego arin ee maxaad ka qabtaa, wuxuu yidhi waxba kama qabo, waxay ku tidhi amaynu kala fogaanaa, ka dibana Axmed wuu fahmay waxay u jeedo inantu, talaa ku cadaatay, lacag mahaysto uu fiise ku samaysto si uu u dhoofo, waxaba taas ka daran hooyadii oo miyiga degan oo uu jimce kasta uu u geeyo cuno oo iyaduna sugaysa, waxay ku tidhi wallaal waxaan doonayaa in aan dhoofo.

Axmed oo aad u niyad jabsan ayaa ugu jawaabay wallaal gacaliso waa caadi oo waan kaa aqbalay laakiinsee waxaan doonayaa in aad ii sheegto sidaynu isula xidhiidhi karno.

Aamina oo indhaheeda ilma soo fadh fadhido ayaa ugu jawaabtay wallaal isma waayayno oo waan heli karaynaa si aan isula soo xidhiidhno,
Axmed oo weli niyad jabsan ayaa ugu jawaabay wallaal waxaan doonayaa in aan kuu qoro lambarkayga si aad aad ii gala soo hadashid waxaan doonayaa in aan tago boorame oo aan wax ka barto.

Aamina iyo Axmed sidii ayay ku kala tageen ayna isku macasalaameeyeen,waxay tagtay magaalo ka mid ah wadanka Maraykanka halkaas ayay kala soo hadli jirtey waqti kasta.

Balsee nasiib daro maalin maalmaha ka mid ah ayay Aamina u baxday dibada halkaasna uu gaadhi ku jiidhay.
waxa dhacday in arintii loo soo sheegay Axmed uuna waashay oo ilaa iminka uu waalanyahay kudaafadahana ku dhexjiro.

Wallaalayaal waad garankartaan khataraha idinkaga horeeya dhul shisheeye, waxaan idinkula talinlahaa wallaalayaal wadankiina ka shaqaysta oo wax u qabta halka aad wadamo shisheeye u shaqaynaysaan .

wadankeenaa leh nimco iyo wax walba oo aynu u baahano.

Lasoco qaybta danbe.
waxa qoray soona diyaariyey

Awil Hussein Hasan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: