Maxaa loo aqoonsanwaayey somaliland(faallo)

June 27, 2008
Aniga oo ah Suxufi u dhashay gobolka Sanaag waxaan isku dayey in aan wax ka ogaado bal waxyaabaha koos gareeyey in somaliland la aqoonsan waayo

 

 Dhinaca Somaliland hadalada Daahir Rayaale Kaahin waxaa ka muuqda in ay adkaatay in la aqoonsado Dawladiisa lagana yabo in uu si kale xal u raadiyo.


 
Sidaa darteed waxaa laga yaaba in ay ka xumaadaan dadkii rabay in ay Dawlad gaar ah noqoto, dhinaca kalana ay ku farxaan kuwii kale ee ka soo horjeeday. Labada qoloba waxaa muuqata in aysan fahmin sababaha loo diiday Dawladnimada ( Somaliland ). Hase yeeshee hadii ayn is waydiino sababah loo aqoonsan waayay waxay noqon karaan;-
 

1.Ma dhulka ay ku fadhido ayaa yar? Tani sabab ma ahan, waayo dhul ahaan waxa ay ku dhawdahay dalka Ingiriiska sababtani laguma diidi karo.

2.Ma dadka ku nool ayaa yar oo dad yar Dawlad looma aqoonsan karo miyaa? Sidoo kale dadka Woqooyiga ku nool waxaa lagu qiyaasi jiray intii aysan Somalia burburin 2 ila 3 Malyan oo qof. Sidoo kale waxaa jira Jaziirado sida Murishiya oo ay ku nool yihiin dad aad u kooban oo Dawlad ah codna ku leh Jamciyada Quruumaha ka Dhaxaysa.

3.Ma dhaqaalaha ayaa ku yar? Sidoo kale tan sabab ma ahan oo Somaliland xoolo,beer, bad iyo Patrool ku filan ayeey leeyihiin.

4.Ma nabad galyo la,aan baa ka jirta oo qabaa,il ayaa ku dagaalamaya darteed miyaa loo aqoonsan waayay? Waa maya oo Woqooyi nabad baa ka jirta qofna uusan dafiri karin.

5.Ma waxaa la diidan yahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya kala go,do oo Midnimada iyo Dawladnimada Soomaliyeed baa loo daneenaya? Jawaabtu waa maya.

Sababta kaliyah oo loo aqoonsan waayay waxa weeye in Soomaliya Dawladii u dhisnayd laga dumiyo ka dibna aan la ogolaan dib danbe in ay usoo noqoto si Qaran Soomaliyeed dalkoodi hooyana gacanta lagu dhigo.

Hadii Koonfur go,i lahayd oo Dawlad isku magacaabi lahayd isla sidaas uun bay ahaaan lahayd.

Hadii Somaliland la aqoonsado waa Libaax xarig laga furay oo cid maamuli kartaa ma jirto, aduun waynahana cod adag ayeey ku yeelanaysaa, ninkii markii hore ku fikiray in Somaliweyn qabsado dani uguma jirto in uu aqoonsado Somaliland oo ay ku nool yihiin dadkii Soomaliyeed oo la rabay in Qariidada aduunka laga tirtiro laguna biiriyo Xabashida.

Qorshaynta Burburka.

Dawladii Maxamed Siyaad Barre markii ay dhisnayd dadka waxaa lagu mashquulin jiray sidii ay Dawlada u ridi lahaayeen. Markii xigtay waxaa lagu dagalamayay xukunka oo jabhadihii baa la isku diray. Ka dib hadda waxaa laisku sii jeediyay Dawlad Goboleed .

 Waxaa ku xigi doona in dadka Soomaliyeed dhulka laga dhameeyo, wax la dilo,wax gaajo iyo cudur laayaan,wax bahal cuno,ama bad liqdo, wax baxsada oo dalku sidaas dad la,aan kusoo baxo, lana qaato.

Tirtirida Magacii Soomaliyeed.

Qorshaha burburinta Soomaliya waxaa daliil u ah in hadda magacii Somali uu sii dhamaanayo oo Dawlad goboleedyada aan lagu arag magacii Soomaliga ahaa sida Puntland iyo kuwa soo socda Jubbaland Hiiranland Banaadirland iwm. Waxaa Somaliland lagu khasbi doona in ay magaca iska bedesho sidii Jabouti loogu khasbay.
 
Waxaa lagu maaweelinaya in ka dib Dawlad Goboleedka ay dhisan doonaan Dawlad dhexe ( Feder Somalia ) oo isku keenta dhamaantood. Taasi waxba kama jiri doonaan.
 
Waxaana laga saxiixanaya in Gobol kastaaba uu xiriir toos ah la yeesho Ethiopia, halkaasna laga xukumi doono, kadibna ay ku biiri doonaan Xabashida oo halkaas Soomaliya lagu liqi doono.

Qofkasta oo Soomali ah oo Islaam ah oo wadani ah waa inuu arrimahaas ogaada isna hortaago.

Taasi waa midda cadawga rabo in ay Soomaliya ku danbayso, laakiin Ilaahayn tiisu meel ayeey taala, ( Nin Alle leh ma iisho, sidey u il daran tahayn uma Alle la,a ) Ayeey Soomalidu tiraahdaa.
 
Soomaliya waxa ay ku danbaynaysaa siduu Ilaahay ka dhigo iyo innagu dadaalka aan la nimaano, waxayna u dhawdahay in la helo dad ka fiican kuwii hore oo garta wadada wanaagsan iyo sharafta ay leedahay qaranimada iyo muslinimadaba.

 

 

Waxa soo qoray soona diyaariyey:

Awil Hussein Hasan


Cunista Qaadka Iyo cabista khamriga iyo sigaarku waxay waxyeelo u leeyihiin caafimaadka iyo ruuxda qofka biniaadamka ah

June 24, 2008

Caanaha Naaska Hooyadu waa Caafimaad…..Caanaha naaska hooyadu ma jiraan caano kale oo la barbardhigi karaa ee taa ha la ogaado.

Waalid kastiba waxa uu jecelyahay in uu dhalo caruur caafimaad qabta. Waxa kale oo ay jecelyihiin in caruurtoodu ay ku noolaadaan caafimaad wanaagsan. Caruurta oo hesha caafimaad joogta ah, waxa ay qayb weyn ka qaata caanaha naaska hooyada oo loogu dadaalo inta ay yaryihiin

Cunitaanka Qaadka, Cabitaanka Sigaarka iyo Khamrigu waxa ay wax yeelo u gaystaan ilmaha Caloosha ku jira

Culumada aqoonta u leh caruurta iyo dumarka waxay sheegeen in daryeelka hooyada iyo ilmaheeda la bilaabo marka hooyadu ay uurka yeelato taa soo wax weyn ka tari doonta nolosha dambe ee ilmaha ha ahaato xag caafimaad, xag koritaan iyo caqli-ba. Europe iyo Waqooyiga America in ka badan 85% haweenka uurka leh waxay doortaan in ay naaska nuujiyaan caruurtooda.

Maxay caanaha naaska ku fiican yihiin?

Caanaha waxaa naaska hooyada ku abuuray Ilaah (Subxaana watacaala) wuxuuna kaamil uga dhigay wax alla wixii nafaqo iyo difaac uu u baahnaan karo ilmuhu.
Hadaba ma jiraan caano kale oo la barbardhigi karo caanaha naaska. Caanaha boodhaha suuqa laga helo waxaa isku daray ama isku qasay banii\’aadam waxaana khalad ah in la aamino Xayeysiiska ka socda TV-yada ama Idaacadaha ee Suuqa loogu Caano Boodhaha.

Ma ogtahah akhristiow in caanaha naaska hooyadu ay la socdaan hadba ilmuhu inta uu jiro. haddii hooyadu ay dhasho ilmo dhicis ah naaska hooyada wuxuu soo saarayaa caano ku haboon ilmaha dhiciska oo ay ku badan yihiin nafaqo buuxin karta baahidiisa. Sidaas oo kale, haddii hooyadu ay dhasho ilmo dhamays ah (sagaal bilood) naaska wuxuu soo saaraa caano dambar ah (colostrum) oo nafaqo ka buuxdo kuwaasoo diyaariya habka dheefshiidka ilmaha, ilaalisana sonkorta dhiiga iyo unugyada difaaca (antibodies) oo ka ilaaliya infection-ka iyo iwm.

ilmaha nuuga ama jaqa naaska hooyadood way ka caafimaad badan yihiin kuwa aan nuugin naaska. Cadurrada ku dhaca caruurta sida Qofac-dhererka (Broncites), infection-ka dhegaha, shubanka iyo mataga iyo iwm way ku yaryihiin ilamaha naaska nuuga marka loo barbardhiga kuwa aan nuugin naaska.

Faa\’iidada caanaha naasku ay leeyihiin waxa kale oo ka mid ah in maalmaha kulaylaha ah, caanaha hooyada ay ku badan yihiin biyuhu sababta oo ah ilmaha oo u baahan biyo badan kulayl-ka awgii iyo in laga ilaaliyo Ilmaha dihaydareeshan (dehydrated) ama qalayl.

Sidaas oo kale xiliga qaboobaha caanaha naasku waxa ku badnaayaa baruurta (fats) oo ka ilaaliya ilmaha qabowga.

Faaidooyinka kale ee nuujita naasku aad ayey u badan yihiin waxaana ka mid in marka hooyada nuujiso ay ka bogsan ogtahay dhibaatada dhalida sababto ah nuujinta oo caawisa in ilmagaleenka oo ku soo laabto heerkiisa hore inta ayaanu ilmaha kale gelin.

Hooyada nuujisa ilmaheeda naaska waxaa ka yaraada dhiig (anemia) sababto oo ah iyada oo caadiyan aanay dhicin tani, waxay dhalisaa inta badan in hooyadu aanay uur qaadin inkasto ay jiraan dumar qaadi kara uur.

Waxaa kale oo la sheegay in hooyada nuujisa ilmaha naaska ay adag tahay in uu ku dhaco kansarka naasuhu. Taa waxaa sii dheer in hooyada nuujisa ay ka werwerin in xili xun caano boodhe ay diyaariso ama qabato suuqa si ay u soo iibsato caano boodhe. Tan kale naas-nuujinta waxay abuurtaa jecayl, naxariis iyo isu dhawaansho ka dhex abuurma hooyada iyo ilmaha taas waarta mudo dheer. Waxaa baadhis lagu ogaaday in caruurta nuugta naaska ay ka naxariis badan yihiin kuwa aan nuugin.

Nafaqaynta hooyada waxay qayb xoog leh ka qaadataa koritaanka ilmaha sababto ah haddii hooyadu cunto cuno nafaqo leh waxay u gudbinaysaa ilmaha. waxa kale oo jira in hooyada cunta Qaadka ama cabta sigaarka, darooga ama aalkolada in ay u gudbinayso ilmaheeda taa soo laga yaabo in ay dhasho ilmo maskaxda wax ka qaba ama aan caadi ahayn.

Waxa wanaagsan in marka ay hooyadu uur yeelato in ay iska joojiso wax alle wixii mukhaadaraad ah ee u keeni kara dhibaato iyada iyo ilmaheeda.

Waxaa kale oo muhiim ah aabaha sigaarka caba in aanu ku cabin guriga sababto ah waxa uu wax yeeli karaa ilmaha ay sido hooyada uurka leh…… sababta oo ah waxay neef ahaan u qaadanaysaa qiiqii sigaarka waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa second hand smoking.

waxa soo qoray soona diyaariyey

Awil Hussein Hasan


Maahmaaho Isugu jira kuwa ragga, dumarka, fardaha iyo kuwo kale

June 15, 2008

Maahmaaho Xarafka D

1. Daacadi ma hungowdo
2. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel
3. Daawo tiro wax kuma tarto
4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid.
5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo
6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan.
7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba.
8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo.
9. Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni).
10. Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda’.
11. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu’ga dhalay uun baa lagugu tirin.
12. Dabeecad xuma dad kaa saartay.
13. Dabeecaddu diinta waa ka badh.
14. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
15. Dacartuba mar bay malab dhashaa.
16. Dacas iyo dameeraba lama kala laha.
17. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
18. Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey.
19. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa.
20. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
21. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan.
22. Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe.
23. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh.
24. Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil
25. Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey.
26. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey.
27. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta.
28. Dadqal looma gurguurto.
29. Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho.
30. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
31. Dal aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa la qadaa.
32. Daleel marow maradiis geed ma daarow
33. Dameer dhaan raac.
34. Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee
35. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa.
36. Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha
37. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul.
38. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan.
39. Dameeri dhaan raacday.
40. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
41. Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya.
42. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay.
43. Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa.
44. Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
45. Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso.
46. Dammeeraley Dad la xeer maaha.
47. Dan iyo xarrago is weyday.
48. Dan layskuma naco.
49. Dani waa seeto
50. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
51. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
52. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa.
53. Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
54. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
55. Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag
56. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay
57. Dardaaran waa inta xayga la yahay.
58. Dawaco geel ma cunto.
59. Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa
60. Dawarsato dariiqay ku collowdaa.
61. Deero waa dal maddays.
62. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa
63. Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin.
64. Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa.
65. Dhac dushii laguma wada hadlo.
66. Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran.
67. Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
68. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
69. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
70. Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee?
71. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu
72. Dhalaan qayladu waa qaboonada.
73. Dhaliili dhaban bay ku taal.
74. Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay.
75. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan)
76. Dhallaan qayladii waa qaboonada.
77. Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo.
78. Dhaxal gorayo dhabad baa leh.
79. Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh.
80. Dhedo roob noqon weydey
81. Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro.
82. Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro.
83. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara.
84. Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso.
85. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha.
86. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye.
87. Dhib lagula qabo dhib ma eh.
88. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa.
89. Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa.
90. Dhiig islaan ma qarsoomo.
91. Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado).
92. Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee.
93. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
94. Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay.
95. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
96. Dhoofaa kaa dhimay.
97. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa.
98. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay.
99. Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb.
100. Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
101. Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen.
102. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha.
103. Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa.
104. Dibi hooyo xumi hore uma koro.
105. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
106. Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
107. Dibi, bay waw dhutiyaa.
108. Diidiink weelshee deymoodaa ka koriyee ma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa.
109. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
110. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
111. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
112. Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa.
113. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso……
114. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso.
115. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto.
116. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa.
117. Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay.
118. Doqon dib bay wax ka garataa.
119. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.
120. Doqon iyo habeen baa madaw.
121. Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa.
122. Doqon nebi Muusaa habaaray
123. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
124. Doqon sokeeye maaha.
125. Doqoneey dabkaa ba
126. Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa.
127. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
128. Doqoni calaf ma leh.
129. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa.
130. Doqoni hoosiis bay had mooddaa.
131. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga.
132. Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa.
133. Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
134. Doqoni sokeeye ma aha.
135. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa.
136. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa.
137. Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
138. Doqoniino waa shil.
139. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; “Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye.
140. Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa.
141. Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil.
142. Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
143. Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa.
144. Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
145. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa.
146. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin.
147. Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy.
148. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa.
149. Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa.
150. Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa.
151. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?
152. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
153. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo.
154. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha.
155. Dumar yaryaraysi male
156. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
157. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
158. Durduro geel baa ku jaba.
159. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa.


Maahmaaho cusub iyo kuwii hore loo yidhiba

June 15, 2008

Awil Hussein Hasan

cawil oo ah hantiilaha websitekan wuxuu akhristayaasha sharafta leh u soo diyaariyey maahmaaho  isugu jira , kuwa raga , dumarka ,dameeraha, fardaha, ugaadha qaybaheeda kala duwan oo aad arki doontaan iyagoo qoran waana kuwan hoos .

 

 

»maahmaaho Xarafka A


1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
 25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo’ ha ku daaqdo.
29. Af daboolan dahab.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa 38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
 61. Aqal libaax lafo lagam waayo.
62. Aqoon la’aani waa iftiin la’aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
 68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
71. Arrin xumo abaar ka daran
72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
77. Ayax teg eedna reeb

Maahmaaho Xarafka B

1. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
4. Baddu waa isku dhadhan.
5. Badhi mag ma laha.
6. Balaayo laba qad ha kuu jirto.
7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
8. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
10. Ballaysin bir ka adag.
11. Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
12. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
13. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
14. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
15. Barasho horteed dad ha nicin
16. Barasho horteed ha i nicin
17. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
18. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
19. Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
20. Bartii yaqaan, bari uma korodho.
21. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho.
22. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa.
23. Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
24. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
25. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
26. Basari buulkeeda bayaayo waaye
27. Baso waa baso si kastoo loo subko.
28. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
29. Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
30. Been doode been buu dhaartaa.
31. Been fakatay runi ma gaadho.
32. Beeni raad ma leh.
33. Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
34. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa.
35. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay.
36. Beer wax dhalow ba’
37. Beerka jecli, xaydha jecli.
38. Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo.
39. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso.
40. Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
41. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
42. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
44. Bilaysini Bir ka adag
45. Bililiqo doon waa nabad diid.
46. Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
47. Bir baa bir goysa.
48. Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
49. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
50. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
51. Biya sar tegey waa la sugayaa
52. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
53. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
54. Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.
55. Biyo meel godan bay isugu tagaan.
56. Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
57. Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
58. Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la’aana baa xun.
59. Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee.
60. Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
61. Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa
62. Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame

 R                                                                                              TOP

» 

736. Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
737. Raad arrooryo dib looma raaco.
738. rag gar baa kala saarta dumarna jaan(c)
739. rag hunguri buu isku raacaa.
740. Rag jidiin baa walaaleeya.
741. Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
742. rag qawl baa xidha dumarna meher.
743. rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade.
744. rag waa arin keen iyo aqbalkeen.
745. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
747. rag waa shaah dumarna waa sheeko.
749. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
750. rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul.
751. rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare.
752. rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.(c)
753. rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe(C)
754. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
755. ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii.
756. ragu sadex waa iskaga mid. Magaca, magta iyo maganta.
757. ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda.
759. Reer ba’ow yaa ku leh!
760. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.
761. Reer, naagbaa kaa raacda.
762. Reerka meelan loo husan looma haatiyo.
763. ri waalan ridaada laguma xidhto
764. riyuhu lugtooday shalan ku doontaan.
765. roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan.
766. run iyo ilkaba waa la cadeeyaa.
767. Runi rag kama nixiso
768. ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola.
769. ruuxba dhiishuu ruxduu caaneheeda dhamaa.

Maahmaaho Xarafka D

1. Daacadi ma hungowdo
2. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel
3. Daawo tiro wax kuma tarto
4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid.
5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo
6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan.
7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba.
8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo.
9. Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni).
10. Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda’.
11. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu’ga dhalay uun baa lagugu tirin.
12. Dabeecad xuma dad kaa saartay.
13. Dabeecaddu diinta waa ka badh.
14. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
15. Dacartuba mar bay malab dhashaa.
16. Dacas iyo dameeraba lama kala laha.
17. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
18. Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey.
19. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa.
20. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
21. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan.
22. Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe.
23. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh.
24. Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil
25. Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey.
26. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey.
27. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta.
28. Dadqal looma gurguurto.
29. Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho.
30. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
31. Dal aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa la qadaa.
32. Daleel marow maradiis geed ma daarow
33. Dameer dhaan raac.
34. Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee
35. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa.
36. Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha
37. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul.
38. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan.
39. Dameeri dhaan raacday.
40. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
41. Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya.
42. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay.
43. Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa.
44. Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
45. Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso.
46. Dammeeraley Dad la xeer maaha.
47. Dan iyo xarrago is weyday.
48. Dan layskuma naco.
49. Dani waa seeto
50. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
51. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
52. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa.
53. Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
54. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
55. Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag
56. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay
57. Dardaaran waa inta xayga la yahay.
58. Dawaco geel ma cunto.
59. Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa
60. Dawarsato dariiqay ku collowdaa.
61. Deero waa dal maddays.
62. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa
63. Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin.
64. Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa.
65. Dhac dushii laguma wada hadlo.
66. Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran.
67. Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
68. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
69. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
70. Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee?
71. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu
72. Dhalaan qayladu waa qaboonada.
73. Dhaliili dhaban bay ku taal.
74. Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay.
75. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan)
76. Dhallaan qayladii waa qaboonada.
77. Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo.
78. Dhaxal gorayo dhabad baa leh.
79. Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh.
80. Dhedo roob noqon weydey
81. Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro.
82. Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro.
83. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara.
84. Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso.
85. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha.
86. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye.
87. Dhib lagula qabo dhib ma eh.
88. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa.
89. Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa.
90. Dhiig islaan ma qarsoomo.
91. Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado).
92. Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee.
93. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
94. Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay.
95. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
96. Dhoofaa kaa dhimay.
97. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa.
98. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay.
99. Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb.
100. Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
101. Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen.
102. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha.
103. Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa.
104. Dibi hooyo xumi hore uma koro.
105. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
106. Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
107. Dibi, bay waw dhutiyaa.
108. Diidiink weelshee deymoodaa ka koriyee ma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa.
109. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
110. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
111. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
112. Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa.
113. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso……
114. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso.
115. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto.
116. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa.
117. Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay.
118. Doqon dib bay wax ka garataa.
119. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.
120. Doqon iyo habeen baa madaw.
121. Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa.
122. Doqon nebi Muusaa habaaray
123. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
124. Doqon sokeeye maaha.
125. Doqoneey dabkaa ba
126. Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa.
127. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
128. Doqoni calaf ma leh.
129. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa.
130. Doqoni hoosiis bay had mooddaa.
131. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga.
132. Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa.
133. Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
134. Doqoni sokeeye ma aha.
135. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa.
136. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa.
137. Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
138. Doqoniino waa shil.
139. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; “Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye.
140. Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa.
141. Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil.
142. Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
143. Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa.
144. Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
145. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa.
146. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin.
147. Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy.
148. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa.
149. Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa.
150. Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa.
151. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?
152. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
153. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo.
154. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha.
155. Dumar yaryaraysi male
156. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
157. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
158. Durduro geel baa ku jaba.
159. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa.

 


damaca C/laahi yuusuf Axmed

May 31, 2008

Markii ay ciidamada gumeysatada madow xoogga ku qabsadeen Jamhuuriyadda Soomaaliya dhamaadkii bishii diseembar, waxaa kooxda Mbagathi u muuqatay rajo aheyd  inay maamuli karaan dalka oo dhan, ayna yihiin awooda kaliya ee kusoo hartay masraxa siyaasaddeed ee Soomaaliya, maadaama meesha laga saarey maamulkii MMIS, sidaas-dareteedna ay dunida reer galbeedka ka heli doonaan taageero dhaqaalle iyo mid siyaasadeed oo u suurta galisa inay noqdaan awoodda  kaliya ee dalka  wax laga waydiiyo, waxayna Cali Geeddi iyo Korneyl C/llaahi Yuusuf si hal-haleel ah u tageen magaalada Muqdisho si  ay caalamka  u tusaan in ay gacanta ku hayaan dalka oo dhan,  waxayna kulamo siyaasaddeed ku qabteen xaruntii madaxtooyada  ayagoo munaasabado badan ka sheegay inaysan diyaar u aheyn wax dib u heshiisiin ah inay lagalaan xooggaga kasoo horjeedey,  ayagoo adeegsadey erayo jeesjees ah.

Ayadoo maanka lagu hayey in diidmada C/llaahi iyo Geeddi  ee dib u heshiisiintu tahay mid  dhalanteed  ah oon aan dhab ku salaysnayna ogaa awooda ay ku faanayeen inay ahayd tan Itoobiya,  ayaa haddana waxaa muuqatay in labadii todobaad ee ugu horeysay  qabsashadii dalka, in beesha caalamka  iyo Soomaaliduba  madaxa hoos u raariciyeen  si bal loo eeggo halka ay u tallaabsadaan,  iyadoo dhanka kalena laga dhursugayey jawaabta ay bixiyaan dadka Soomaaliyeed ee diidanaa ciidamadda xoogga ku qabsadey dalkooda,  gaar ahaan waxaa la iswaydiinayey haddii Itoobiya iyo kooxdii ay ku adeeganaysay adkaadeen!!!  shacabku mala shaqeyn doonaan  mise waa ka hor imaan doonaan, oo  waxay bilaabi doonaan dagaal wax iska caabin ah.

Nasiib wanaag sidii  uu filyayey qof kasta oo ogaa in awoodii iyo xooggii Maxaakimta Islaamiga ah iyo shacabkii Soomaaliyeed ee taageersanaaba ay badbaadeen kuna mash-quulsanaayeen la jaanqaadka xaaladda cusub iyo badalidda xeeladdii dagaalka   waxaa uu helay jawaabtii uu filan karay oo aheyd inaan cadowga la isku dhiibin ee la halgamo.

Markii uu si fiican halganku  uga bilawdey dalka, gaar ahaan caasimada oo ah meesha  inta badan la geeyey xooggii gumaysatada madow iyo nidaamka shaabadda u ah, waxaa mar qura aduunku ku dhawaaqay gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in  la qabto shir  dib u heshiisiin qaran oo loo dhan yahay lagana qeyb galiyo dhamaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Maxaakiimtii Islaamiga.

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa ku dhawaaqey inaysan dowladda  Maraykanku taageereyn kooxda Mbagathi  illaa ay ogolaadaan in la qabto shir  dib u heshiisiin dhab ah, lana dhiso dowlad tayo leh oo ay ku jiraan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida. Waxaa talabadaas mid  la mid ah soo jeediyey  u qeybsamaha arrimaha hormarinta ee midowga Yurub Louis Michel oo asagu mowqifka Maraykanka mid ka dhiiran qaatay. Dowladda Talyaaniga ayaa ayaduna illaa hadda wadda dadaalo dublumaasiyadeed oo lagu hirgalinayo fikradaas, una arragta sida laga helayo ilo dublumaasiyasdeed shirka uu C/llaahi Yuusuf ku dhawaaqey mid aan laga helayn miraha la doonaya inuu ka dhasho shir dib u heshiisiin qaran oo dhab ah oo dhexmara dhinacyada ay ku xiran tahay xal u helida arrimaha Soomaaliya.

Zenawi inkastoo dhib kasta oo kasoo gaaraya qabsadashada Soomaaliya uu ku tala galay maadaama  uu soo hooyey guul taariikhi ah oo dadka reer Itoobiya ku dhaadan doonaan maadaama Janaraaladoodii ay saldhig ka dhigteen wasaaraddii gaashaandhiga oo mar xarunta u ahayd Janankii caanka ka dhex ahaa Janaraaladii Afrika ee todobaatanaadkii (Janaraal Maxamed Cali Samatar) haddana ma xamili karo dhaqaalaha iyo khasaraha joogtada ah ee  kasoo gaaraya ciidamadiisa  weerarada ay ku hayaan xooggaga wax iska-caabinta oo si joogto ah ugu haya weerar aan kala go laheyn, sidoo kale Zenawi inuu kooxda Mbagathi ee uu soo  dhistay  oo aan waxba gacan ku heyn uu ka baxo dalka waxaa  ay ula mid noqotay Maxkamadihii dib ha u qabsadaan Soomaaliya,  taasoo uu shir jaraa`id ku sheegay  bartamihii biishii Feebaraayo.

Dhibaatada intaas ka daran oo Zenawi soo wajahdey waxa ay ahayd in beeshii caalamku siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay  dhabarka ujeediyeen kooxdii Mbagathi  oo aan haysan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed oo asagu ku jira halgan iyo is xoreyn, sidaas darteed Zenawi waxaa uu goostay inuu badalo siyaasadiii ahayd diidmada qayaxan ee dib u heshiinsiinta ee uu markii hore faray adeegayaashiisa Soomaaliya,  sidoo kale  waxaa uu u muuqatay in loo baahan yahay in la badalo xeeladda si loo qaldo beesha caalamka, loona jiiro difaaca shuruudaha ah ee ay u dhigeen taageero ay siiyaan kooxda Mbagathi oo loo arko koox  aan wax xiriir ah la laheyn bulshada Soomaaliyeed haysana taageerada shacabka.

Haddaba si taas loo suurta galiyo ayaa Zenawi waxaa uu C/llahi Yuusuf amray in shirkii madaxweynayaasha Afrika ee ka dhacay magaalada Addis-ababa intii u dhaxaysay 22-23 Janaayo 2007 inuu ka hor sheego inuu diyaar u yahay inuu qabto shir dib u heshiisiineed oo la`isugu keeno bulshada Soomaaliyeed, uuna la hadli doono dhamaan dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, qorshahaan oo ahaa mid looga dan lahaa in lagu helo lacago deeq ah oo ay dowladdaha Yurub iyo Maraykanku balanqaadeen, sababtoo ah markaas waxaa shirka ka qeybgalayey u qeybasanaha Midwoga Yurub ee  arrimaha hormarinta Louis Michel, Midowga Yurub waa deeq bixiyaha ugu weyna ee arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena waxaa looga dan lahaa baaqaan uu C//llaahi ka jeediyey shirka  Madaxda Afrikaanka in  lagu marin-habaabiyo dib u heshiisiintii ay soo jeediyeen beesha caalamku  oo ah mid ka duwan mida ay wadaan C/llaahi iyo Zenawi.

Qorshahaan ayuu farsamo ahaan Korneyl C/laahi Yuusuf waxaa uu uga dhigay garwadeeno C/risaaq Cusmaan Juriile iyo Ismaaciil Hure  Buubaa oo ah labo nin oo ku caan baxay musuqmaasuq iyo wax ku boob magaca ummadda Soomaaliyeed, labadan shakhsi ayaa isla markiiba qorshe maran oo ay soo abaabuleen waxaa ay la tageen xarunta Midowga Yurub Brussels, Belgium, ayagoo dalbaday lacag malaayiin doolar ah oo lagu hirgaliyo waxa ay ugu yeereen shir dib u heshiisiineed oo ay ka qeyb qaadanayaan saddex kun oo qof oo Soomaaliyeed.

Xog-oggaal u dhuun-daloola arrimaha Midowga Yurub ayaa inoo cabdeeyay in saraakiishii ka socotay Midowga Yurub ee la kulantay Buubaa iyo Jurile ay aad u suluugeen habka ay Juriile iyo Buubaa iskugu soo duba-rideen qoraalka faah-faahinayey shir ku sheegga dib u heshiinsiinta, waxaana soo baxaya warar tibaaxaya in Midowga Yurub ay si weyn uga caga-jiidayaan maalgalinta qorshahaan.

Dhanka kale, warar xog-oggaal ah ayaa tibaaxaya in bisha Abriil horaanteeda uu shir wadatashi ah ka dhici doono dalka Talyaaniga. Shirkaas oo lagu martiqaadi doono tiro kooban oo Soomaali ah kana kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida oo ay ku jiraan xubno matalaya Maxaakimtii iyo kooxda Mbagathi, waxaana ujeediisa lagu tilmaamay in laga soo saaro qorshe ku saabsan hab-raaca tubta nabad raadinta Soomaaliya iyo sida ugu habboon oo lagu qaban karo shir dib u heshiisiin oo la jaanqaadi kara xal u helida mushkiladda Soomaaliya, ayna ka qeybgali karaan dhamaan dadka xaqa u leh wax ka dhihida arrimaha Soomaaliya. Shirkaan dambe ayaa u muuqan kara mid ka duwan midka ay C/llaahi iyo Geeddi abaabulayaan oo ay ka leeyihiin ujeeddooyinka gaaban oo ku eg helida dhaqaale la lunsado iyo marin habaabinta dhabaha ay tahay in loo maro dib u heshiisiinta ay ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay.

Arrimahaas oo dhan oo jira ayaa haddana haddii C//llaahi qaabka uu u abaabulay shir ku sheegga dib u heshiisiinta uu ahaan lahaa mid si qurxoon loo abaabulo oo dadka qaarkiis markaas moodaan in meesha ay dib u heshiisiin ka jirto, balse nasiib wanaag qaabka C/llaahi u abaabulayo shirka ayaa ah mid isla markiiba marqaati cad u noqotay inu uu yahay shir looga  dan leeyahay dhagar iyo  marin habaabin.

Tusaale ahaan shalay waxaa uu magacaabay guddiga shirka  dib u heshisiinta,   waxaana gudigaas xubno ka ah shan xubnood oo marka laga reebo C/raxmaan Guulwade  afarta kale ay yihiin qab-qablayaal hore oo shacaka dambiyo ka galay iyo qaaqlayaal  iyo af-miisharo uu kasoo aruursadey suuqyada, oo aan wax qiimo iyo sumcadna  ku dhex laheyn bulshadda. Sidoo kale markii uu sheegay dadka shirka ka qeybgalaya oo ah dad shacab caadi ah oo wax dhibaato ah oo ka dhaxeysa aysan jirin, gacantoodana aysan ku jirin xal ka gaarida dhibaatada Soomaaliyeed ayaa ayana wax cadeyn buuxda u tahay  in ujeeda odeygu tahay saddex kun oo shimbirood intuu xero ku xareeyo haddana ku yiraado  “shimbirayahow heesa oo  u heesa saan anigu rabo.

Gunaanadkii waxaa bulshada Soomaaliyeed la gudboon in ay ka hortagaan shir ku sheeggaan uu soo abaabulay Zenawi, uuna u soo wakiishay shaqaaliiisa Soomaaliya.  Danta uu ka leeyahayna ay tahay in lasii fogeeyo jiitanka dhibaatada Soomaaliya iyo  shilamaad ay ku dhunsadaan damiir laawayaal aan wax kale ka shaqeyneyn inay helaan shilimaad ay dhunsadaam maahane, dal iyo dadna aan wax dan ah ka laheyn amaba aa lagu aqoon damiir ku fakara inuu ka shaqeeyo danaha dadka iyo dalka sida Geedi iyo C/llaahi, Buubaa iyo Juriile.

Waxaa ummadda Soomaliyeed la gudboon in ay qaataan laba qodob midkood: 

1- Taageerda muqaawamada iyo halganka lagu xoreynayo dalka.

2- Taageeridda shir 
ka duwan midkan oo ujeedadiisu tahay in heshiis laga gaaro dhibaataada ka jirta dalka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dadka wax ka gaysan kara xal u helida dalka.aqoon yahanka .iyo dadka wadaniyiinta ah.

 

waxa soo qoray

Awil Hussein Hasan(dhoore)


governments world wide should increase efforts about HIV/AIDS and TB situations.

May 31, 2008
Although the HIV/AIDS pandemic is leading to increased numbers of tuberculosis cases worldwide, and more people are dying of AIDS-related causes because of TB, governments are not adequately addressing the interaction between the two diseases, according to a Report release by the Public Health Watch project of the Open Society Institute, Reuters Health Reports
. The report, which was released in advance of the XVI International AIDS Conference
in Toronto next week — examines the relationship between TB and HIV/AIDS and governmental responses to the two diseases in Bangladesh, Brazil, Nigeria, Tanzania and Thailand. It finds that widespread stigma; a lack of awareness; uncoordinated services; and a need for local, national and international mobilization are intensifying the TB/HIV co-epidemic, particularly in sub-Saharan Africa. Governments and the international community have got to realize they have on their hands two simultaneous and interrelated catastrophes,” UN Special Envoy for AIDS in Africa Stephen Lewis said, adding, “We must confront both together. We need more resources. We need diagnostics. We need better drugs”
Although Bangladesh, Brazil, Nigeria, Tanzania and Thailand have varying TB/HIV co-epidemics, the governments of all five countries need to increase coordination of TB and HIV/AIDS policies and programs. The stigma and discrimination associated with TB and HIV/AIDS keep many people living with the diseases from seeking treatment — an issue compounded by a lack of adequate diagnostic tools. One-third of all sputum smear samples from HIV-positive people are correctly diagnosed as positive for TB, and any delay in TB treatment among people living with HIV can be fatal, there is a lack of knowledge about TB and TB/HIV co-infection among the public and policymakers in the five countries. People living with HIV/AIDS often do not have basic knowledge about TB even though they are at an increased risk of developing the disease. Advocates, donors and policymakers need to make a commitment to improve social mobilization around TB and TB/HIV co-infection and reduce TB incidence and mortality among HIV-positive people worldwide Let us generate interest in the relationship between TB and HIV/AIDS during the International AIDS Conference.
prepared and written by :
Awil Hussein Hasan(dhoore).

Shir ay wada yeesheen Hay’ada German Agro Action(GAA) iyo Hay’ada SEEYO

May 27, 2008

Shirkan oo  ay wada galeen  Hay’ada German Agro Action(GAA) iyo Hay’ada SEEYO ayaa ahaa mid ay muhimadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka u dhexeeya hay’ada German  Agro Actio iyo SEEYO.

iyadoo ay hay’ada SEEYO wado mashruuc aad u balaadhan oo ku wajahan kaymaha iyo sidii dib u dhis loogu samayn lahaa meelaha dhirtu ka nabaad guurtay ee ku xeeran buuraha DAALO iyo SURUD.

ha’ada SEEYO oo  lagu yaqaano dib u hagaajinta deegaanka  iyo waxbarashada ayaa mar walba waxay  la garab taagan hay’ada German Agro Action (GAA) wax walba oo taageero ah oo ay uga baahanyihiin.

waxa shirkan aan ka maqnayn isaguna Mr benham oo ah co-ordinatorka u fadhiya hay’ada (GAA) magaalada nairobi ee dalka Kenya, isagoo u rajeeyey labada hayadoodba  in ay noqdaan  mustaqbalka dhow kuwo aduunka oo dhan aad looga yaqaano .

waxa isaguna halkaa ka hadlay madaxa hay’ada GAA u jooga gobolka Sanaag Mr Daniel bronkal oo  ay hadaladiisa ku dheehnaayeen muxubo iyo kalgacal uu u hayo dadka reer somaliland gaar ahaan magaalda aan joogo ee ceerigaabo ayuu yidhi.

isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi hay’ada SEEYO maaha mid aan maanta baranayo ee waxaanu isnaqaanay benham ka hor, ha’ada SEEYO oo ah mid gobolka sanaag aad looga yaqaano ayuu yidhi waxaan rajaynayaa in hadaad dadaalkiina sii wadaan aad dhaafi doontaan hay’ado badan oo ka jira wadanka Germany oo aan sidiinaa wax u qaban ee iskaga magcaaban uun .

waxa ugu danbayntii soo gabagabeeyey shirkaa gudoomiyaha ururka SEEYO Nuura Ahmed Farah oo aad u soodhoweysay Mr benham guula u rajaysay labada hayadoodba .

 

 

Mr daniel bronkal iyo Benham oo jooga xarunta waxbarashada ee SEEYO iyagoo waraysanya maamulaha dugsiga SEEYO Mr Salah A/rahman Jama