Qiso Jacayl ah oo dhab ah

Waxaan akhristayaasha sharafta leh ee webkan ugu bushaareynayaa qisadan oo ah qiso xikmad leh ahna qiso xaqiiq ah oo dhacday, waa qiso jacayl ah .BY: Awil Hussein Hasan

 

Maxaa dayr cad geel hallaaboo
Dib jiray uu cunay dugaagooa         
Ninkii lahaa daydayaa
Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan
Adigoo degganaa abaar
Mar baa dirir kuu da’ayoo
Daruuruhu kuu curtaan oo
Xareed ku dabbaalataa
Ha dilin hana iga dagaalin
Diirkaa iigu yaallee ax!
Wadnaha damqashada ka daa.
 

Horaa loo yidhi soomalidu been way sheegtaa beense ma maah-maahdo waxan uga socdaa maah-maahda dhabta ah ee tidhaahda “ragna ba’iisuu ka sheekeeyaa dumarna badhaadhohooda”, way yartahay in la arko nin ka sheekaynaya badhaadhihiisa waxase inta badan la arkaa nin ka sheekaynaya jabkiisa. Halka ay dumar ka sheekeeyaan badhaadhahooda sida cadaadada u ah iyaga oo qarinaya guul-darrooda. Marnaba inan ragg uma fiicna in uu is faansho waayo? Horaa loo yidhi “Nin is faanshey waa ri isnuugtey”. Hadaba akhristayaal waxan halkan idiinku soo gudbinayaa Qiso Dhab Iigu Dhacday Taasoo ah Qiso Jacayl ah iguna reebtay xusuus murugo badan, akhristayaal nuxurka qisadan jacaylka ahi xambaarsantahay waxad ka fahmi-kartaan ciwaanka sheekada oo ah “CUDURDAAR JACAYL” qofkastaana wuu fahmikaraa meesha ay sheekadini u biyo dhacayso, waxan hubaa in aad sheekadan aad uga heli-doontaan, sidoo kalena sheekadini waxay wax weyn u tari-doontaa ama ay cashar u noqon-doontaa dhalinyarada maanta joogta oo iyaga oo aan waxba haysan is jeclaanaya. Akhristayaal sheekadini maaha mid aan malo-awaaley ama aan meel ka soo dheegtey ama inta aan mirqaamay aan qalin iyo buug qaatay ka dibna aan sameeyey sheeko mirqaan. Intaa in aanay midna ahayn waxa idiin caddaynaysa nuxurka sheekadu xambaarsantahay. oo ah CUDURDAAR JACAYL waxa laga yaabaa akhristeyaal in aad su’aalo iska weydiisaan Qisadan inta aynaan gaadhin gundhiga sheekada. Gabdhaha Soomaaliyeed waxay sas ka qabaan ninka aan maalintaa gacanta waxba ku hayn, wana lala yaabaa haddii la arko inan inan caashaqday nin aan wax adduun ah haysan, mase aha wax lala yaabo waayo? Dadku wada taajir maaha. Gabdhaah maanta joogaa waxay eegtaan ama ay tixgeliyaan oo keliya ninka maalintaa jeebkiisu buuxo, marka laga reebo in yar oo haweenka ka mid ah oo fahamsan in cidda keliya ee wax bixisaa ay tahay ILLAAHAY [SWT] hablaha manta joogaa waxay moogan yihiin in la arko nin maanta buuxa berina faro madhan, iyo nin maanta faro madhnaa berina jeebkiisu buuxo. Waxase gabdhaha manta joogaa eegtaan ninka maalintaa midida daabkeedahaya ee seeftiisu wax goynayso rikoodhkiisuna hadlayo, kamase fekeraan waxa mustaqbalkooda danbe iyo waxa beri ka maalin imandoona, waxa hubaal ah haddii inanta reerkoodu ogaadaan in ay nin la sheekaysato markii inanta waxa la weydiiyaa su’aalo aan munaasib ahayn, kuwaasoo ay ka mid hiyiin. Naa ninku lagac ma leeyahay? Muxuuse ka shaqeeyaa? Su’aalaha iyo qaar kaleba waxay ka mid yihiin caadooyinka xun-xun ee weli ka suulila dadka soomaliyada, waxa ka haboon in ninta la weydiiyo ninka ay caltay dhaqankiisa, diintiisa, iyo dabeecaddiisa wixii kale ee intaa dheeri ma haboona.
Muddo dheer ayaan ku noolaa caasimadda Somalialnd ee Hargeysa, waxan wax ka baran jirey mid ka mida iskuullada gaarka loo leeyahay [ PRIVATE SCHOOL] waxan wax walba dhaafsaday in aan wax barto oo aan labada gelinba qalin iyo buug sito, labadaasaan saaxiibla ahaa, waxa igu kelifey in aan sida u dedaallo waxan ogaa noloshii ay ku noolaayeen reerkayagu oo ahayd nolosha baadiha, reerkayagi xoolo miyi mooyaane xoolo magaallo ma lahayn, ma jirin cid aan aniga ahayn oo wax barasho ka gashay. Waxan ka dheeraaday sheekooyinkii dhexmari-jirey wiilasha iyo gabdhaha aannu isku waxbarashada nahay, waa mid aan dhalinyarada laga waayin sheekooyinka jacaylka ah weliba xilliga ay kuwada jiraan wax barashada, balse anigu waan laabay boggii sheekooyinka waxanna sida u samaynayey yaan sheekada dumarka wakhtikaaga lumin. Weligay qof ma jeclaan anna layma jeclaan, marka aan arko labo qof oo is jecel waxan moodi-jirey in ay been isugu sheekaynayaan, waxan aaminsanaa in aan jacaylba jirin, ma aan akhirisan jirin buugaagta lagu qoro sheekooyinka jacaylka ah [NOVAL] sidoo kalena jaraa’idda oo inta badan lagu qoro sheekooyin jacayl ah waxan ka qaadan jirey oo keliya bogaga wararka iyo ciraaraha, balse ma aan eegi jirin bogga sheekooyinka wax feker ah kama aan haysan waxa uu yahay jacaylku, ma aan ogayn in jajacaylku yahay aafo haddii uu ka haleelo mararka qarna uu geysko jariimadda [dil] jacaylku wuxu ugu daran yahay marka qofkii aad jeclaatay uu kuu joojin-waayo, ma aan ogayn in jacaylku uu iilka dhigay CILMI BOODHERI oo taariikh naxdin iyo murugo badan kagaga tegey dhulka ay degaan dadka soomaalidu, buugaag badan oo mucjisooyin ahna laga qoray. Sidoo kale jacaylka waxa la god-galay LAYLA IYO QEYS oo ahaa labo qof oo carbeed xusuus murugo badana kagag tegey wadamada carabta gaar ahaanna wadamada Bariga Dhexe. Balse anigu ma aan ogayn in jacaylku dhibta intaa leeg uu leeyahay dad badana uu galaaftay. Waxan deganaa xaafadda BADDA CAS waxan dulsaar ku ahaa guri uu leeyahay nin aannu ilmaadeernahay, wuxu ahaa nin lacag leh kana mid ah hoggaanka dalka, waxan dhamaystay Dugsigii sare ee bareefaddka ahaa. Anigu waxba gacanta kuma haysan waxana fiiga iga bixin jirey ninka aannu ilmaadeerka nahay, markii aan dhamaystey Dugsigii sare waxan galay qayb sanad ah oo jaamacadda ah taasoo aan ku baran jirey culuumta saxaafadda. waxa caaddo ii hayd in aanan habeenkii suuqa ku habsaamin waxana guriga iman jirey 7:00 fiidnimo.

MARKII LAY HALEELAY
Goor fiid ah ayay ahayd waxan fadhiyey qolka fadhiga waxan daawanayey TIIFIGA qolka keligay ayaa fadhiyey waxa I raali-gelin waayey barmaamujkii ka socdey TIIFIIGA, waxan tiigsadey telefoon yaaley meel aan sidaa iiga sii fogayn, markii aan soo qaaday telefoonkii ayaan isweydiiyey tollow ayaad la hadashaa oo cabaar wakhitga isku dhaafisaa? Ma jirin wax dumar ah oo aan tilifoonka kala sheekaysan jirey, telefoonkii ayaan soo qaaday waxan go’aansaday in aan labar iskaga nasiibiyo. Waan garaacay markii uu cabaar dhacay ayaa waxa iga iga qabatay inan cod dahabiya leh, waaba tii aad doonaysey ayaan is idhi markii ay qabatay ayaan ku idhi markiiba waxan ka fekeray halkii aan inanta hadalka uga bilaabi-lahaa, waxan markiiba go’aansaday in aan igu sii mar-marsiinyooda qof magicii waxanna inantii ku idhi ” HELLO Xasan ma joogaa walaal? Malaha inantan ta tilifoonka iga qabatay Xasan waa walaalkeed oo 10 jir ah. Intii aanay inantii jewaab iga siin in Xasan joogo iyo in kale ayay igu tidhi ” horta salaama calaykum? “Caleykum wasalaam ayaan igu jewaabay” waxayna hadalkii iigu sii dartay oo ay inantii igu tidhi walaal salaan qof muslim ah lagu salaamo oo ka wanaagsan salaama caleykum ma jirto waxana haboonayd adiga oo u jeedadaada ka horaysiiya salaanta, ka dibna sheegta waxa aad u socotey, walaal adiga oo raaliya waxad iska ilaalisaa in aad dadka muslimiinta ah ad ku salaantid kelmadaha ay isku salaamaan gaaladu, sida HELLO, HOW DO YOU DO IWM. Igana raali ahaw haddii aad hadalkaa talada ah dhibsatay, aniga walaal waa iga tallo, cidda aad doonayseyna I weydii ” waxa haboonayd aniga oo marka hore inanta salaama balse taa waan mooganaa, waxana ku salaamay inanta Xasan ma joogaa? Runtiina inantii gool qurux badab ayay iga dhalisay, waxanna u qushuucay sida wanaagsan ee ay inantu iigu caqli celisey waxanna markiiba u aqoonsaday inantii qof ehel u ah diinta, hadalkeedii markiiba meelbuu I taabtay. Aniga oo qajilaad afka kala qaadi-karila ayaan su’aashii inantii igu celiyey oo ku idhi walaal Xasan ma joogaa? Marka aan hadalkaa leeyahay waxan anigu jecelahay in ay ugu tidhaahdo Xasan ma degana guriga si aan u jeedadayda u caddeeyo marnaba isma aan odhan niyadda ma aan gashan Xasan inanta ayay walaalo yihiin, wuxuse hadafkaygu ahaa Xasan ka sii dhigo salaankii aad sheekada inanta u sii mari-lahayd, waxayse jewabtii inanta noqotay walaal Xasan wuu joogaa? Markaasaa talo igu caddaatay mana odhan karro inanta Xasan ii dhiib oo wuxuu yahay ma garanayo. Intii aanan wax jewaaba bixin ayay inantii su’aal labaad I weydiisey waxayna igu idhi” walaal haddii aad Xasan garanayso anna waxan filayaa in aad igaranayswid ee isu kay sheeg? KA DAR OO TIBI DHAL! Su’aashaa labaad ee inantu I weydiisey ayaa inayana igu noqotay afkala qaad, ileyn awalba ma aan hayn nin qorshe cad u soconaya’e, balse waxan ahaa nin tilifoon aanu garanayn soo garaacay sheeko doona ah, aniga oo guntida dhiisha iskaga dhigaya kelyahana dhagax gashanaya ayaan inantii ugu jewaabey jewaab indho adkaana, waxanna ku idhi ” HAA………… HAA waan idin garanayaa. Markii aan sida ugu jewaabey ayay iyana igu tidhi ” HAYE oo kumaad tahay haddii aad nagaranaysid? Markii ay su’aashaa I weydiisey ayaan maskaxda ka shaqaysiiyey , runtii waxay ahayd inan aad u maskaxbadan oo hadal degen taacadna ah, mana ay jirin wax ragg ah oo ay xidhiidh lalahayd, runtiina u qaadan waa ayay ku noqotay wayna fahantey in aan qar-jafayo waxase ka daadegi-weydey inantii ninkan wiilkiina yar garanaya oo ahaa kii aan markii hore magcaabay, ma oga inantu in aan afka uun ka idhi magaca wiilka oo aanan xataa oqoon halka ay magaalada Hargeysa ka deganyihiin iyo joho ay iga xigaan toona. Intii aanan inantii uga jewaabin su’aashii ay I weydiisey ayay su’aal kale ii raacisay waxayna igu tidhi” walaal ma maalinbaad na soo siyaaratey? Si fiican uma aan aqoon luuqada afka carabiga halka ay iyadu ku wadh-wadhatay ku hadalka luuqadda afka carabiga, waxan u qaatay kelmadda siyaara oo ah booqasho in ay iila jeedey miyaadna soo dewersatey, balse iyadu waxay ula jeeddey miyaadna soo booqatay. Jewaabta saxda ahina waxay ahayd ta inanta. Aniga oo cadho awgeed dhitid yar yari fax iga soo yidhi ayaan inantii si kulul ugu idhi” naa maaniga ayaad ileedahay ma maalinbaad na soo dewersatey? Inta ay inantii qososhay ayay igu tidhi ” walaal gacaliye waad I khlad fahantey, waxana hadalkayga uga jeedey ma maalinbaad na soo booqatay, walaal shaydaanka iska naar isna deji” markii ay hadalkaa igu tidhi ayaan dib u fadhiistay waxann a ogaadey in aan anigu khaldanahay, waxayna inantii hadalkii iigu sii dartay “walaal kelmadda siyaara waa kelmadda carabiya waana booqasho malaha adigu waxad taqaanaa [VISIT] markaa walaal marlabaad raali ahaw waad I khalad fahanteye” Hadalkaa naxariista iyo raali-gelintu ku dheehantay ay igu tidhi, su’aalihiina ay I weydiiseyna ay I hortaagan yihiin dhawr jeerna aan sibi-riirixdey ayaan isku deyey in aan inanta dareen farxadle u muujiyo, ma ihi nin dhinaca haweenka af miishaarku ah sheekooyinka dumarkuna way igu cusbaayeen, mana aqoon luuqadda dumarka lagula hadlo iyo hadalada lagu soo jiito toona. Balse waxan isku dedeyey in aan inanta debecsanaan u muujiyo waxanna ku idhi ” walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay sida fiican ee aad ii raaligelisey weliba aniga oo khaladka leh oo ay ahayd in aan hadalkii aad I tidhi ka fiirsado, walaal gabadh dabeecad fiican ayaad tahay walaal marnaba ilaawi-maayo hadalada wanaagsan ee aad igu tidhi iyo sida fiican ee aad iigu caqli celisey” intaa markii aan ku idhi iskana qiiraysiiyay aniga oo u muujinaya sida aan uga xumahay is faham la’aanta na dhexmartay, ayaa ay iyana igu tidhi “walaal qofkasta oo bini aadani wuu khaldamaa laakiin waa laga soo noqdaa kol hadii khaladkaagi aad garatay waad fiican tahay wax dhibina ma jirto,walina walal isuma aad kay sheegin markaa walaal waxaan kaa codsanayaa inaad isu kay sheegtid”. Markii ay hadalkeedi dhamaysay suaashiina aanan wali jawaab u hayn ayay talo igu cadaatay beentiina waa ay soo afjarantay, markaasaan goaansaday inaan runta ku dhinto oo inanta aan run u sheego, waxaana aan ku idhi “walaal tilifoonkaaga garasho uma soo garaacin balse waan ku soo nasiibiyay nasiibkaygina adiga ayaa uu noqday waxaan aaminsanahay in nasiibkaygu aad u fiican yahay”, marka aan hadalkaa leeyahay ma ogi gabadhu waxa ay tahay mana aan waydiin in ay guri leedahay iyo inkale,balse hadalkaasi waa mid aan awrkayga ku kacsanayo markii aan intaa ku idhi ayaa ay igu tidhi “walaal waad fiican tahay laakiin maxaad ku cadaynaysaa in nasiibkaagu wanaagsan yahay iyo kale, mar haddii aanad i aqoonsan waxaa aan ahay” aniga oo si taxadar leh su’aashaa uga jawaabaya ayaan ku idhi “walaal aad baan ugu raja waynahay in aad tahay gabadh madax banaan, magacaagana ii sheeg walaal adiga oo raali ah . Inta ay cabaar aamustay ayay igu tidhi walaal magacaygu waa Aamina, adna magacaaga ii sheeg.Ana waxaan u sheegay magacaygi dhabta ahaa waxaana aan ku idhi”walaal magacygu waa C/laahi”markii aanu magacyadii isdhaafsanay walina aanan fakar buuxa ka haysan waxay tahay Aamina laakiin ay ili- ii bidhiiqday ayaan saacadii hoosta ka eegay waaba goor dambe, mudadaa dheer ee aanu aamina wada hadlaynay markaliya ma aan maqal sanqadh iyo hadal ka baxaya guriga ay igala hadlaysay waxaana aan niyada iska idhi tolow inantu ma guri cidla ah bay ku nooshayahay, maxaad mar kaliya u maqli wayday cid lahadlaysa ? waxaana aan ku idhi walaal xaafadee ayaad degantahay? ” waxayna iigu jawaabtay ” walaal GOLJANO ayaan deganahay” waxaana ay ii raacisay ” walaal adigu xaafadee ayaad degan tahay” waxaanan ugu jawaabay “walaal waxaan deganahay xaafada “BADDA CAS”markii aan xaafadaydii u sheegay ayaa ay iigu tidhi ” walaal maba aynu kala fogin, laakiin weligay ma aan tegen xaafadda BADDA CAS labo maalmood oo aan bas u raacay xaafadda JIG-JIGA YAR ayaa farta laygu fiiqay xaafadda BADDA CAS, laakiin weligay filin kama daawan” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi ayaan niyadda iska weydiiyey su’aasha ah “tolow inantu ma maxa jebad aan guriga ka soo bixinbaa? laakiin ma aan sii baadh-baadhin sababta ay Aamina u arki weydey xaafadda intaa u jirta, intii aanu wada hadlayney ayay saacaddii gaadhey 12:00-kii habeenimo, welina ma aan gaadhin hafkaygii aan telefoonka u soo garaacay, marka laga reebo inanta magaceeda iyo xaafadda ay degantahay, xataa ma aan weydiin in ay xidhiidh ila samaynayso iyo in kale. habeenkaa dadkii xaafadda ila deganaa anay ila yaaban yihiin xilliga aan tilifoonka ku hadlayo waxayna isweydiinayeen ” tolow inankii maxaa caawa qaaday? caado ima hayn in aan ku sheekeeyo tilifoonka, xaafaddiina waxay ku noqotay u qaadan waa markii ay arkeen aniga oo saacado badan tilifoonka dhegta ku haya. markii aan arkay in saacaddu goor danbe tahay arrimhii aan u socdeyna aanay fari-ka qodnayn ayaan Aamina u sheegay in ay iska seexato, waxanna ku idhi “walaal iska seexo waa xilli danbe’e aiga ayaa kula soo hadlaya walaal” intaa markii aan idhi ayaan hadalkaygii ku kalsoonaan waayey, ka dibna waxan u raaciyey “walaal horta ma lagu helayaa” waaxyna iigu jewaabtey ” haa……… waa lay helayaa walaal haddii aanan dhiman” aniga oo hadalkeeda ku faraxsan ayaan ku idhi” haye walaal aniga ayaa kula soo hadlaya imikana iska seexo” intaa markii aan ku idhi ayay Aamina iigu sii dartay “walaal weligay xilligan soo jeed kuma gaadhin, waxan seexan jirey ugu danbayn 8:00-da fiidnimo” aniga oo Aamina u muujinaya sida aan uga xumahay xilliga ay soo jeedo ayaan ku idhi, “walaal raali ahaw waxaasoo dhiba aniga ayaa caawa kuu geystey ayaad ayaan uga xumahay xilliga aad soo jeeddo” inta ay qososhay ayay igu tidhi, “walaal waxba iima aad geysan labadeenuma waynu hadlayney, laakiin anigu waxan ku dheerahay, “waxan toosaa marka salaadda subax la addimo, marka aan tukado ayaan ciyaalka quraacda u sameeyaa ka dibna guriga ayaan kala hagaajiyaa, marka aan shaqada guriga meel iska dhigo ayaan tagaa Mederasada” runtii Aamina waxay isiisay faah-faahin aanay hore ii siin, aniga ayaa tabcaan ahaa hurdona u baahnaa, waxanna Aamina marlabaad ugu celiyey in ay iska seexato waxanna ku idhi, “walaal iska seexo waa inoo habeen danbe haddii ALLA ka dhigo sidaa iyo habeen wanaagsan” iyana waxay igu tidhi, “haye walaal habeen wanaagsan.” aniga oo dheguhu iqaylinayaan ayaan tegey furaashkii, hore ayaan u gamiwaayey oo waxan su’aalo iska weydiinayey hadaladii ixtiraamka lahaa ee Aamina ii muujisay. runtii Aamina waxay ahayd 18 jir aan xero xungelin ILLAAHAYNA qurux iyo dabeecad wanaagsan ku manaystay, Aamina waxay ahayd inan xishood badan oo aan gurigooda ka soo bixin, marka laga reebo xilliga ay ku maqantahay wax barashada, Aamina weligeed nin afka uma kala qaadan sheekona hadalkeedba daa, waxay ahayd inan diinleh waxay wax ka baran jirtey midka mid ah mederasadaha ugu waaweyn magaalada Hargeysa, waxay baran jirtey kuluumta diinta iyo Sayniska oo ay dhamaantood ku qaadan jirtey luuqadda afka carabiga. waxay ahayd Aamina inan dedaal badan waxbana ugama dhexayn jirin gurigooda iyo goobta ay waxka barato, xataa jaarka uma wareegi jirin, waxay ahayd Aamina inan agoon ah oo aan aabe lahayn , caruurtooda iyada ayaa ugu weynayd, waxay ka soo jeedey Aamina qoys ku nool dabaqada dhexe, runtii Aamina waxay ku noolayd nolol raaxo leh, halka aan anigu ahaa qof aan waxba haysan, kana soo jeeda qoys sabool ah. Aamina waxay ahayd inan reerkoodu ku indho-kuushaan, waxay ahayd Aamina inan dheer oo qurux badan jidhkeeduna buuxo isuna dheeli-tiranyahay, kaalay arag quruxdeeda iyo dadnimadeeda wanaagsan, ku darso oo Aamina waxay ka soo jeedey qoys diintu biyo-dhigtay. balse anigu waxaasoo dhan ma aan ogayn. habeen labaadkii ayaan Aamina xilligii anu balanay ayaan telefoonka ka soo garaacay kalsooni sidaa u weyn ma aan qabin waxanna islahaa sow qofkale telefoonka kaa qabtee, laakiin iyada ayaa hore iigu sheegat in ay iga qabanayso telefoonkuna qolkeeda yaallo. markii aan soo garacay ee labo jeer dhacay ayay Aamina iga qabatay, waxan ku idhi, “salaama caleykum” “caleykum wa salaam” ayay Aamina iigu jewaabtey, markii aanu isa salaanay ayaan ku idhi, “walaal waa C/laahiye ma fiican tahay” waxayna iigu jewaabtey, “walaal waan fiican ahay laakiin caawa aad ayaad u wanaagsan tahay” aniga oo hadalka Aamina ku faraxsan ayaan ku idhi “walaal waayo caawa maxaan ku wanaagsan ahay? Aamina oo qoslaysa ayaa igu tidhi, “dee walaal marka aad ila soo hadasho adiga oo aan i salaamin ayaad hadal kale ii bilaabi jirtey laakiin caawa si fiican ayaad ii salaantay” intaa markii ay Aamina igu tidhi ayaan ana ku idhi, “walaal taladaadii wanaagsanayd ayaan qaatay” Aamina oo faraxsan ayaa igu tidhi “walaal wiil wanaagsan ayaad tahay mar haddii aad talataydii qaadatay” intaa markii aanu Aamina is dhaafsanay runtii anigu waxan ku soo tallo galay in aan arrimahayga caawa guulweyn ka gaadho, waxan doonayey in aan ogaato cidda Aamina guriga kula nool, markii aanu cabaar kaftan isku tuur-tuurnay ayay Aamina ii sheegtay in ay xaafadda kula noolyihiin iyada hooyayeed iyo carruur ay walaaloyihiin, sidoo kale Aamina waxay ii sheegtay in ay tahay gabadh agoon ah carruurna ay iyadu u weyntahay, sidoo kalw Aamina waxay ii sheegtay in ay degan yihiin guri weyn oo ilaa sideed qol ah, sidoo kale waxa la noolayd ayeeyadeed hooyo, maahayn guri cidhiidhiya ee wuxu ahaa huri weyn oo qoskastaaba qol u gaara leeyahay, Aamina waxay lahayd qol ay aad u sharaxday oo xataa ay ka caaganyihiin carruurta ay walaalah yihiin, iyada oo ugu diidaysa way kaaga ciyaarayaan, waxay keliya oo ay ku soo dhowayn jirtey labo hablood oo ay Aamina saaxibo ahaayeen iskuna xaafadda iyo isku waxbarasho ahaayeen. Aamina waxay ahayd inan fir-fircoon oo dedaal badan gaarina ah, sida aan markii danbe ogaatey. Aamina oo isu kay sharaxaysa ayaa igy tidhi, “walaal waxan ahay 18 jir carruurtayadana aniga ayaa ugu weyn hooyaday iyo walaalahay ayaan la noolahay, maxad diinaya ayaan dhigtaa, inta aan waxbarasha joogo mooyaane inta kale marna waxbaan akhistaa marna xaafadda ayaan u shaqeeyaa, xataa suuqa matago oo waan kabaqaaba haddii aan cidi ila socon, waxbarashada marka aan tegayo waxanu isu raacnaa labo hablood oo aanu saaxiibo nahay isku xaafaddana nahay” runtii Aamina si fiican ayay isku kay faah-faahisay. markii halkaa arrinku marayey ayaan anigu hadalkii qaatay waxana Aamina u sheeqay in aan ahay arday dhigta jaamacadda, Aamina oo ku farasan ardaynimadayda ayaa igu tidhi, “maansha ALLAHA A ayaad ayaad u wanaagsantahay” markii arrinku halkaa marayey ayaan Aamina ka dareemay in ay iga xishoonayso oo aanay hadalka igula soo dhacayn oo ay iga baqayso. aniga ayaa go’aansaday in aan Aamina u soo bandhigo arrimahayga ina sheego in damac iga galay. Aamina runtii aad ayaan uga helay hadaladeedii debecsanaa iyo dadnimadii quruxda badnayd ee ay uu muujisay kuwaa ayaa maskaxdayda ka guuxayey. aniga oo hadalkii hayn kariwaayey ayaan Aamina si kadis ah ugu idhi, “walaal ka waran haddii aynu intii hore isaga soo dhowaano oo abuurno jacayl dhab ah” intaa markii aan Aamina ku idhi ayay inta ay cabaar aamustay iigu jewaabtey “maya walaal wax xidhiidha kula samayn maayo” inta aan naxay ayaan Aamina ku idhi “waayo walaal maxaad ku diidey in aad xidhiidh ila samaysid” intaa markii aan ku idhi ayay Aamina igu tidhi, ” walaal horta waa lays bartaa xidhiidhna waa la wada sameeyaa oo taasi ceeb maaha, lays kulamana yaabo, laakiin anigu C/llaahiyow ma doonayo in aan been kuu sheego ama aan ku lugooyo. laakiin haddii aan runta kuu sheego shan qodob midkoodna xidhiidh kuulama samayn karro. waata koobaade, weligay nin laba sheekaysan xataa tilifoon kalama aan hadlin weligay habeenbaa wiil tilifoonka iga soo garaacay isna waxan qanciyey, waana u sheegay in aan sheeko u diyaar ahayn, markaa adigu waxad tahay wiilkii aan labo habeen oo isku iga aan la wada hadlo, markaa C/laahiyow xidhiidhka aan hore u samayn waayey imikana ma samaynayo.” waata labaate waxan ahay gabadh waxbarasho ku jirta sheeko iyo waxbarashona meel ma wada galaan.” waata saddexaate waxan ahay inan reer u weyn markaa ma doonayo in aan shaqadii guriga kaga habsaamo sheeko” waatada afraade “xaafaddayadu uguma taqaano sheeko markaa waxa laga yaabaa haddii sheeko laygu ogaado in lay diloba” waata shanaade “haddii aan xataa isku dayo in aan xidhiidh kula sameeyo marnaba kuu suura gelimayso in aan muuqayga aragtid, waayo maba soo boxo shantaa qodob midkoodna xidhiidh kuulama samayn karo C/laahiyo” markii ay Aamina warkaa cad ii dhiibtey ayay tallo igu caddaatay, waxa markeliya jidhkayga taabtay dareen odhanaya Aamina la’aanteed nololi ma jirto. intii aanu Aamina wada hadlayney mar keliya anigu uma muujin dareen jacayl, balse Aamina hadaladeedii ayaa igu abuuray dareen jacayl oo laba ilaawaan ah. markii aan ogaatey in ay Aamina tahay inan aan gurigooda ka soo xibin, weliba ay u dheertahay akhlaaq wanaagsan iyo dabeecad fiican, sidoo kalena ay Aamina kala garanayso waxa xun iyo waxa wanaagsan ayna tahay qof diinleh. weliba ay u sii dheertahay qurux , runtii Aamina waxay lahayd dhamaan shuruudihii NEGEENU inoo sheegay ee uu yidhi, haweenka ku xusha kuwaasoo ahaa afar qodob oo kala ah. diinteeda, maalkeeda quruxdeeda, iyo casabeheeda. runtii Aamina waxay ahayd inan diinleh, qurux badan ka dhalatay qoys ladan oo qabiiliya. runtii Aamina kama muuqan in yar oo iin ah iimana muuqan waxan dhaafsado. marka la eego gabdhaha jooga qarnigan 21aad oo ah wakhti ay haweenkii dibada u soo bexeen, marka laga reebo in yar oo ay ka mid tahay inanta aab calmaday. waxan go’aansaday in aan Aamina u muujiyo ama u soo bandhigo dareen jacayl, la’aanteedna arrinkaygu yahay mid khatar ah, sidoo kalena waxan isku deyey sidii aan Aamina ugu qancin lahaa in aanan ku xidhayn wax is arag ah, waxa keliya ee qalbigaygy ku degayaana ay tahay Aamina oo tidhaahda, aan wada daadihino caashaqa, runtii Aamina waxay ahayd inan go’aan qaadasho leh afkeedana ay xaaraanka tahay in ay soo mariso erey been ah. Aamina waxay ahayd qof wixii ballan ah ee ay qaado sidiisa u fulinaysa wixii kalena iska dhaafaysa, wax kastana waxay ka fiirsan jirtey inta aanay samayn. markii arrinku halkaa marayey ayaan Aamina ku idhi hadalo beer laxawsiya waxana ku idhi, “walaal waxa aanan marnaba ilaawayn sidii fiicnayd ee aad ii soo dhowaysey, marnaba niyadayda ka biximayso hadaladii ay ku dheehnayd qadarinta iyo asluubta wanaagsani, marnaba walaal niyadayda ka biximaysid kaamana maarmi-karayo waayo durba waxa igu taagan falaadh ka mid ah falaadhaha jacaylka, haddii aanad wax ila qabanna xaalkaygu wuxu noqonayaa mid dhibi soo gaadho. waxa keliya ee aan ku badbaadayaa waa adiga oo yidhaada, Amba kula mid baan ahay, Aaminaay waxankaa codsanayaa walaal in aad il- naxariisleh igu eegtid waxna ila qabatid” markii aan intaa ku idhi ayaan is beddeley markii ay Aamina dareentay in aan is bedeley oo aan ilmaynayo ayay iyana is hayn kari-weydey ka dibna oohin bay la jeesatey,waxan tilifoonka ka dareemayey in ay ooyaysey markii ay muddo aamusnayd ayay Aamina mar danbe ila hadashay, iyada oo weli aan ka dareemayo oohintii waxana ku idhi, “walaal maxaad la ooyaysaa” waxayna iigu jewaabtey “walaal aniga oo awalba hadaladaadii ka qiiraysna ayaad oohina ku dartay, anigu waxa caado ii ah haddii aan arko qof calaacalaya ama ooyaya anna waan ooyaa cidkastaba qofkaasi ha’ahaatee, markaa C/laahiyow oohinta iga daa iyo hadalada calaacalka ah” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi, ayaan farxay waxanna ogaadey in Aamina tahay qof qalbi jilicsan oo naxariis badan meel aan wax iga tegayn. saacadda ayaan hoosta ka eegay waaba 1:00 habeenimo intaa aan Aamina la hadlayey mar keliya kaba dareemin wax dhibsasho ah. markii aan arkay in ay xilli danbe tahay Aamina ka xishoonayso in ay igu tidhaahdo waan seexanayaa, balse anigu waxa keliya ee aan ku seexanayaa waa Aamina oo yidhaahda Hareerta ayaan kula hayaa jacaylka, Aamina ayaan u sheegay in ay xilli danbe tahay waxana ku idhi, “walaal waa xilli danbe maxaynu ku kala tagnaa, codsigiise mayga aqbashay” Aamina ayaa igu tidhi, “walaal arrinkaa waan ka soo fekerayaa caawana iska seexo wer-werkana iska yaray walaal waana inoo habeen danbe haddii ALLA ka dhigo arrinkaana waan ka soo fekerayaa” intaa markii ay Aamina igu tidhi , ayaan anna u sii raacayey “walaal waankaa qaatay arrunkaa iskana soo feker wax fiican ayaan inoo rajaynayaa” intaa markii aan ku idhi welina aanay Aamina telefoonkii dhigin ayaan u sii raaciyey hees ay qaado fanaanada caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac heestaasoo aan Aamina ugu muujinayey in aan jecelahay, qofka wax jecelina uu yahay qaali waxana ku bilaabay sidan.
Naf ku jecel aduunyada Ba u wacan wax nololiyo
Nabad lala wadaago Nimco lagula waaree
Ma nugliye kalgacalkaa Naariyo ka daran olol
Markuu Nudaygaa kaa galo Nabar weeye halisee
Ee taa nabdiga gali Oo soo noqnoqoshada
hayga moodin nacasnimo Anna haddii aan ku naawilay
Naqba waa la dhawraa Nasiibku haygu kaa simo

Nacab iyo sokeeyaba neeftaydu diidoo
ma nastoo jacayl baa Naqbi ila haleelaye
igu noqoy mid halis oon kaba nuuxsan waayoo
naaftoo qalbigii buu Nudub iga samaystee
ee taa nabdiga gali oo soo noqnoqoshada
ha iga moodin nacasnimo anna hadii aan ku naawilay
naqba waa la dhowraa nasiibku haysku keen simo

Neeqdoo da’aysoo Onkod nawda ka hayaa
Iga heshay nugaal oon kaligay ku noole
adna kayn nabadliyo dhul naruuro joogtaa
naxdin li’i ku hurudaa nabsiga dhowri meyside
ee taa nabdiga geli oo soo noqnoqoshada
ha iga moodin nacasnimo anna hadii aan ku naawilay
naqba waa la dhowraa

markii aan heestaa dhameeyey ayay Aamina aad iigu qososhay waxayna ogaatey in jacaylku iga dhabyahay, Aamina runtii ehel uma ahayn heesaha oo waxay ahayd qof diinleh balse way fahmaysey nuxurka heesta. runtii wax yabaha aan Aamina ugu qushuucay ee jacaylka igu abuuray waxa ka mid ahaa, Aamina oo ahayd qof aan marnaba been ii sheegayn. waxba kama xigin in ay Aamina igu tidhaahdo ku jantay markii aan ku idhi waan ku jecelahay sida ay sameeyaan dhalinyarada maanta joogtaa, balse Aamina waxay faham sanayd in beentu tahay shay xaaraan ah oo iyada sharfteeda iyo karaamadeeda wax u dhimaya. waxayna faham sanayd in beentu iyada ku soo noqonayso. waana sababta keentay in Aamina habeen kasta igu tidhaahdo waan ka soo fekerayaa in aan jacaylka wax kaala qabto iyo in kale. runtii wax yaabaha jacaylka igu abuuray waxa ka mid ahaa daacadnimadii ay Aamina ii muujisay. habeenkii waxan seexday aniga oo guul iyo guuldarro u dhexeeya balse si fiican ayaan u seexday wax wer-wer ahna ma aan qabin habeen labaadkana waxan sugayaa natiiyada, laakiin aniga go’aan ayaa meel ii yaalay go’aankaasoo ah in aanan Aamina ka hadhin xataa haddii ay Aamina diido in ay wax igala qabato jacaylka sibiqda ugu galay. waxan go’aan ku qaatay in aan Aamina habeenkasta gambadh ugu soo fadhiisto si aan uga dhaadhiciyo jacaylka igu waa bariistey. habeenkii Aamina ila balantay ayaan saacad ka hor tilifoonkii ku sii duldiyaar garoobey, abiga oo guul filanaya, aad ayaan ugu rajo weynaa in caawa ay Aamina odhanayso jacaylka waan kula wadayaa. xilligii ayaan soo garaacay tilifoonkii markii uu cabaar dhacay ayay Aamina iga qabatay, si fiican ayaan codkeeda u bartay, mana ahayb nid iga khaldamaya. markii aanu isa salaanay ayay Aamina igu soo dhowaysey weji furan, si qurux badana way ii salaantay, mid la mid ah ayaan anna u gudbiyey, intaa ka dib ayay Aamina igu tidhi, “walaal iska waran oo xaafaddiina ka waran? anna waxan ugu jewaabay “walaal aad ayaa loo fiican yahay ee idina iska warama carruurtiina ka waran? Aamina oo ay farxadi ka muuqato ayaa igu tidhi, “walaal waa la wada fiixan ahay carruurtiina way wanaagsan yihiin oo qolkan igu xiga ayay wax ku akhrisanayaan” intaa markii ay Aamina igu tidhi ayaan ku idhi aniga oo la kaftamaya, ” oo Aamina adigu minaad habeenkii wax akhrisan? inta ay qososhay ayay igu tidhi, “walaal wakhtigayga inta badan waxan ku qaataa wax akhris, marka aan salaada makhrib la tukado ayaan shaqada guriga meel iska dhigaa, ka dibna qolkayga ayaan tagaa oo wax ku akhistaa ilaa inta aan ka seexanayo, imikana kaba sii darano imtixaan ayaan gelayaa, markaa markii aad soo garaacday ayaan buugii laabay oo is idhi cabdilaahi la hadal” markii ay Aamina intaa igu tidhi, ayaan anna ku idhi aniga oo aad u faraxsan dareemayana in Aamina soo dhowaatey, ayaan u mahad celiyey kuna idhi, “walaal waad ku mahadsan tahay sida fiican ee aad ii tixgelisey”Runtii intaa wixii ka danbeeyey waxan filayey in Aamina go’aankii ay soo gaadhey ay ii soo bandhigto, aniga oo ku rajo weyn in ay tayda igu raacayso, balse way igala xishootay in ay wax go’aan ah ii dhiibto, markii aan arkay in Aamina iga xishoonayso wakhti danbena ay tahay ayaan anigu is hayn kariwaayey waxana Aamina ku idhi “walaal Aamina go’aankii ayaan kaa sugayey waxana rajaynayaa in aanad waxba ila diidanayn” intaa markii aan Aamina ku idhi ayay igu yidhi, “walaal maxaad igu fallaysaa hablo iga qurux badan ayaad helaysaaye” markii ay Aamina intaa igu tidhi ayaan anna ku idhi “walaal adiga cid aan ahayn indhahaygu ma arkayanm haddii aan ku waayona geeribaan ka xigaa” waxan ogaa in Aamina ay tahay inan naxariis badan, sidoo kalena Aamina waxau ahayd inan qurux badan oo reer dhami ku indho kuushaan, aadna loo kool-kooliyo, waxayna ka dhalatay qoys ladan, Aamina da’ahaan way yarayd laakiin jidh ahaan iyo maskaxiyan ayay aad uga kortay, Aamina waxa ka xaaraan ahayd in ay dibada u baxdo marka laga reebo muddada ay ku maqan tahay waxbarashada, Aamina marka ay wadad maratso raggu kama ay jeesan jirin quruxdeeda ninkastaana wuu u qushuuci jirey. Laakiin iyadu cidna salaanta kama ay qaadi jirin. Hadaba markii aan Aamina u sheegay in aanan la’aanteed noolaanayn, xaalkayguna khatar ku sugan yahay balse aanay iiga jewaabin hadaladaa murugada leh ayaan u sii raaciyey maasadan.

Naf Jacayl Sawaaboo Sanka kuu Dalooshoo Kuu Sudhay Hoggaankaad u Sudaa Maqaarka’e Hawgaabin Seetada Sogsogti iyo Cadaadiyo Haku Saydhin Laamaha…………..
Markii aan Aamina maasadaa qaaban u tiriyey ayay igu tidhi “horta walaal barasho iiguma kaa dhina Nibaad Maakin Ku Baran Weydid Sanad Ku Baratid, markaa C/laahiyow barasho iigu kaa dhimani ma jirto, in aan beenkuu sheego ama aan ku lugooyana ma doonayo, waxanse kuu sheegayaa in aanu jirin go’aan cad oo aan weli soo gaadhey, weliba ayaad ayaan ugu rajo weynahay in aan jacaylka ku haya wax kaala qabto, waxanse kuu ballan waadayaa in aan habeen danbe haddii ALLAAH ka dhigo in aan go’aan cad kuu keeno, wixii horena iska illow walaal wax fiican ayaan inoo rajaynayaa haddii laysu keen qorayna ma jirto cid ina kala celinaysaa walaal” markii ay Aamina hadalkaa isugu jira rajada iyo waanada igu tidhi ayaan anna ku idhi “walaal waan qaatay hadalkaagii laakiin walaal habeen danbe haygu dhaafin war fiicanna waan kaa sugayaa walaal” intaa markii aan ku idhi ayay igu tidhi “walaal insha ALLAHAAH war fiican ayaan kuu keenayaa si fiicanna u seexo wer werka iyo walbahaarkana iska jooji sida iyo habeen cawan” habeen wacan ayaan anna ugu sii daray, runtii xilii danbe ayay ahayd xaafaddiina keligay ayaa ka soo jeedey, dhalinyarada aanu isku xaafadda nahay way ogaayeen in jacayl I haleelay marka ay arkaan aniga oo telefoonka dhegta ku hayana waxay odhan jireen “ninkii C/laahi jacaylbaa haleelay hadh iyo habeena telefoonka ayuu dhegta ku hayaa oo ku miyir layahay” balse anigu hadalada dhalinyara dheg uma dhigi jirin oo waxa i haya ayaa ka weynaa. Habeenkaa sidaa ayaan furaashkii ku tegey waxana deris ila ahaa wer wer iyo walhabagaar jacayl, waxan habeenkii oo dhan isweydiinaya wixii aan odhan lahaa haddii ay Aamina habeen danbe igu Tidhaahdo Ladabaalo Caashaqa, su’aashaa iyo qaar kaleba waxay ahaayeen kuwii maskaxdayda ku abuuray walbahaarka iyo hurdo la’aanta, habeenkii waa baasbaa ii baryey waxanna soo toosay aniga oo aan il iyo baal isu keenin, cuntadii ayaan ka soo may dadka inta wax garadka ah ee aanu isku guriga nahay waxay moodayeen in aan iska yare xanuunsanayo balse dhalinyarada ayaa fahamsanaa in falaadh jacayl igu taagantahay. Aamina ima oga waxa aan ku suganahay iyo dhinta jacayl ee I haysata. Sidoo kalena Aamina kama ay war ahayn xaaladdayda nololeed iyo duruufaha ku xeeran, ma jirin haba yaraatee wax adduun ah oo aan gacanta ku haystey reer kayaguna waxay ahaayeen reer miyi waxay lahaayeen xoolo miyi,Aamina oo ahayd inan xishood badan waxa keliya oo aan u sheegay in aan deganahay xaafadda Badda Cas jaamacaddana aan dhigto, wax kalena Aamina ima ay sii weydiin. Xiligii Aamina ila ballantay ayaan tilifoonkii soo garaacay rajo sida u weyn ma aan qabin waxan ka wer-werayey in ay caawana Aamina igu tidhaahdo habeen danbe, waxa keliya ee dawadayda ahi waa Aamina oo tidhaahda jacaylka waan kula wadayaa. Tilifoonkii ayaan soo garaacay Aamina ayaa iga qabatay, tilifoonkuna qolkeeda ayuu yaallay, markii ay Aamina telefoonkii iga qabatay ayay salaan qurux badan igu soo dhowaysey, runtii codka Aamina ayaa wax tar weyn ii ahaa qalbigayguna ku degi jirey. Markii aanu cabaar is waraysanay ayay Aamina igu tidhi iyada oo ila kaftamaysa ee gaysana dareenkayga iyada ku aadan. “C/laahiyow caawa maxaad filanaysaa? Aniga oo dareesan in Aamina ay caawa go’aansoo gaadhey ayaan ku idhi “walaal waxan rajaynayaa in aad war wanaagsan sidid, waxan rajaynayaa in aad inoo wadid wixii aynu ku gaadhi lahayn mustaqbal waara, waxan rajaynayaa in aad caawa inoo furaysid albaabkii jacaylka, adna aad dhicagaaga ila qaban dootid, Aaminay war fiican ayaann kaa sugayaa” intaa markii aan ku idhi waxa Aamina uurkeeda ku jirana aanan ogayn balse ay ka muuqato in ay soo diyaar garowdey go’aan cadna ay sid, doonaysona in ay caawa runta ii sheegto. Aamina oo ila kaftamaysa ayaa igu tidhi “C/laahiyow maxaad samaynaysaa haddii aan caawa ku idhaahdo HARUU SOCO NASIIBKAA GEYAANKAAGA WAAD HELI” marka ay Aamina hadalkaa leedahay waxay eegaysey dareenkayga, balse aniga waa ii qudhgooyo markii ay Aamina intaa igu tidhi ayaan ugu jewaabay “walaal m haddii aad hadalkaa igu tidhaahdid geeribaan ka xigaa, waxa keliya ee aan ku badbaadi karaa waa adiga oo caawa igu yidhaahda Amba Kula Mid Baan ahay” markii aan Aamina intaa ku idhi ayay Aamina oo ay ka muuqado farxad marbana ku dhufanaysa qosol googoosa ayay igu tidhi “walaal C/laahi caawa si fiican ii dhegayso warka aan kuu hayo waxan umalaynayaa in aanad weligaa ilaawayn” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi ayaan ku idhi “haye walaal waan ku dhegaysanayaa ee warka soo daa” Aamina oo marba qosol ku dhufanaysa ayaa igu tidhi “walaal C/laahi aad ayaan u dareensanaa in jacayl ku haleelay, jacaykuna waa wax jira mana aha wax lays kula yaabo,muddadii aan ku cel-celinayeyna xumaan igama ahayn ee adiga ayaan ku xaqiijinayey in jacaylku kaa dhab yahay iyo in aad been uugu sheekaynaysid, balse waxan ogaadey in jacaylku kaa dhab yahay daacadna aad tahay, imika laga bilaabona wax walba waan kula qabanayaa, jacaylkana waan kula daadihinayaa wax allaale wixii xagayga xaaga xidhmana aniga ayaa dhamaynaya, diyaarna wax walba waan kuula ahay, imika laga bilaabona gacantaadii midig ayaan ahay, wixii dhib hore ku soo gaadheyna iska illow walaal wixii wer wer iyo walbahaar ku soo marayna niyadaada ka saar, jacaylkana kugu eegi mayo,e dhinaca ayaan kula hayaa, waanna iskaa siiyey walaal” markii ay Aamina ii soo bandhigtay in ay jacaylka dhinaca ila qabanayso warkaa farxaddalena ay iidhiibtey. Ayaa markiiba neecow qabow ayaa jidhkayga saaqday, waxa ii baryey waa cusub sidoo kalena niyaddayda ka naxay wixii wer-wer iyo walbahaar ahaa, waxan noqday qof habiya muddo ayaan Aamina jewaab ku celin kariwaayey aniga oo farxad awgeed isla maqan, cabaar ka dib ayaan soo miiraabay waxanna Aamina u sheegay in aan farxad la miyior beelay, markii aan Aamina u sheegay in aan farxad la miyir beelay, ayay ina oohin bilowday iyada oo dib u xusuusatay waxa dhicilahaa haddii ay i odhan lahayd waxba jacaylka kaala qaban maayo, waxayna ogaatey in aan sidaa u dhicilahaa, waxayna Aamina igu tidhi “walaal waxan la ooyayaa haddii aan ku odhan lahaa waxba kula qaban maayo, malaha waad dhiban lahaydba” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi iyada oo weli ooyaysa ayaan ku idhi aniga oo aad u faraxsan, “walaal Aamina aammu, waynu guulaysanay jecaylkeeniina wuu midho-dhalay arrinkeenuna wuxu marayaa halkii ugu fiicnayd, wixii horena walaal iska illow” runtii Aamina waxay la ooyaysey oo ay aamintey haddii ay i odhan lahayd waxba kula qaban maayo, in aan geeri ku dhowaan lahaa. Aamina waxan ku qanciyey in ay wixii hore iska ilowdo, waxanna u sheegay in ay jacaylka dhinaceeda ka adkayso, iyada oo Aamina ii muujinaysa dareen naxariisleh ayay igu tidhi “walaal dhinacayga haka wer-werin imika anaaba kaa daran oo jacaylku igu cusub yahay” runtii muddadii aanu Aamina wada sheekaysanayney waxay ahayd habeenkii iigu wacnaa ee aan gaadhey yoolkaygii aan muddada dheer rafaadka igu soo jirey. xilli danbe ayaanu aniga iyo Aamina isku gaadhney, waxayna noqotay wakhtigii aannu kala seexan lahayn, waxan Aamina ku sii maca salaameeyey hees uu ku luuqeeyo fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar heestaasoo oo ah mid aan ku ducaysanayey Aamina ugu muujinayey in ay tahay tii aan doonayey waxann aku bilaabay sidan.
Damiir hal adeegnimiyo
quruxda lagu daahayee
darandar indhii arkaan
marnaba daymada kadaaline

timaha kala degay dusheediyo oo
ilkaha dabarkaley dilee

waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaan taan doonayee ilaahay
kaducaysan jiray
anagu dejiyeyshelnee
rabbow isu kaaya daaa

dadnimo dhaqankeeda iyo
quruxda lagu deyrayee
dadkaba ruuxaysbartaan
kolnaba diiqad aanan gelininee
degeni socodkeeda iyooooo oooooooo
dibnaha madowgaleey dileeeee

waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaan taan doonayee ilaahay
kaducaysan jiray
anagu dejiyeyshelnee
rabbow isu kaaya daaa.
markii aan heestaa aan ku ducaysanayey aan dhameeyey ayay Aamina oo aad u faraxani igu tidhi “dee walaal C/laahi fanaan baad noqotay, mise jacaylka ayaa kaa keenaya heesaha jacaylka ah, ee kaa soo burqanaya” aniga oo aad Aamina ugu faraxsan ayaan ku idhi “bal Aaminay yaan ku arag adiga oo maalin dhow heesaya” inta ay Aamina qososhay ayay igu tidhi, “in la arko aniga oo heesaya ayaa lagayaaba, sida wax u socdaana kama fursanayso in aan heeso jacayl ah kuu soo qaado, waana la arki doonaa aniga oo kaa badiyey C/laahiyow” aniga oo hadalka Aamina ku faraxsan ayaan ku idhi “waa lagaa sugayaa Aaminay heeso jacayl ah” inta ay qososhay ayay tidhi, “waaba la ogaan heesaha jacaylka ah ee aan soo bandhigo” runtii Aamina ehel uma ahayn heeso balse waayaha jacaylka ayaa bari-doon. habeen badh ayay noqotay intii aanu Aamina hada hadlayney, Aamina ayaan u sheegay in ay xilli danbe tahay. Aamina oo hadalkayga xiisaynaysa ayaa igu tidhi “walaal waxan moodayey in aynu saacad wada hadlayney, maba moodayn in ay habeen badhtahay” fadxad ayaanu habeenkaa Aamina ku kala seexanay, waxay ahayd habeenkii iigu farxadda badnaa muddadii aanu Aamina wada sheekaysanayney, waa habeenkii aan gaadhey hadafkaygii ugu weynaa ee aan muddada dheer rafaadka iyo hurdo la’aanta ugu soo jirey. waa habeenkii aan gaadhey yoolkaygii ugu muhiimsanaa oo ahaa in aan Aamina soo xero geliyo. inkastoo aan guulweyn gaadhey hadana waxa adkayd sida Aamina muuqeeda loo arko,muddo dheer ayanu tilifoonka ka wada sheekaysanayney. runtii Aamina oo aanu hore u soo marin jacayl ayaa waxa haleelay jacayl, waxayna gaadhey heer ay seexan weydo ilaa ay ila soo hadasho. iyada ayaa iga wer-wer iyo walbahaar badnayd, markastana waxay soo garaaci jirtey telefoonka, halkii aanay markii hore ku soo dhici jirin in ay telefoonka soo garaacdo inta ay xishood ka qabto, balse markii danbe jacaykiibaa ka xoog badatay kuna qasbay in ay markasta telefoonka soo garaacdo. waxa Aamina la deris noqday nabar jacayl, waxay dhex gashay mowjado jacayl ah. muddo sagaal bilood ah ayaanay noo suura-gelin in aanu Aamina is aragno waayo, sida aan hore u soo sheegay Aamina waxay ahayd inan aan gurigooda ka soo bixin, marka laag reebo muddo gaaban oo ay ku maqantahay wax barashada, Aamina waxay ahayd gabadh aad loo kool-kooliyo waxay ku noolayd nolol raaxo leh, halka aan anigu ka soo jeedey qoys sabool ah, reer kayaguna ay ahaayeen reer miyi. balse Aamina ma ogayn waxa aan ku noolahay, muddo sagaal bilood ah markii aanaan is arag oo aanu telefoonka uun ka wada sheekaysanayney, ayna adkaatay in aanu fursad isu helno, ayaa waxa soo gashay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, bisha Ramadaan awgeed ayaa Aamina hooyadeed u ogolaatay in ay salaada taraawiixda ku soo tukato masaajid aan sidaa gurigooda uga fogayn. iyada oo Aamina tixgelinaysa jacaylka qotada dheer ee naga dheexaya, ayay igu wargelisey in ay habeen danbe ila kulmayso. runtii aniga waxay igu noqotay u qaadan waa waayo, marnaba niyadda ma aan gashan Aamina ayaad la kulmaysaa oo aad arkaysaa. aniga oo aad ugu faraxsan bushaarada Aamina ii sheegtay ayaan ku idhi “walaal miyaad igu ciyaaraysaa mise waa kaa dhab,walaal waxa u qaadan waa igu noqotay qoftii Aamina ee aad muddada sagaalka bilood ah is arki weydeen ayaa habeen danbe kula kulmaysa”inta ay Aamina qososhay ayay igu tidh “walaal C/laahi ma waxad isla ahayd marnaba kuu suura-gelimayso in aad i aragtid” aniga oo u qaatay in aan Aamina la joogo ayaan ku idhi, “walaal marnaba niyadda ma aan gashan Aamina ayaad la kulmaysaa ama aad jaanis u helaysaa,imikase waxay iiga dhigantahay aniga oo ku arkay, mar haddii aad tidhi habeen danbe waynu kulmaynaa” Aamina ayaa hadalkii qaadatay waxayna igu tidhi ‘C/laahiyow miyaad garanaysaa sababta keentay in aynu habeen danbe kulano? aniga oo aan garanayn sababta keentay in aanu Aamina habeen danbe kulano, ayaan ku idhi “walaal ma garanayo sababta keentay in aynu habeen danbe kulano waayo, waxan ogaa in aan laguu ogolayn in aad meel u baxdid, mar haddiise aad tidhi waynu kulmaynaa caawa waxay iila mid tahay inaga oo kulanay, sababta inoo suura-gelisey is araggeena ii sheeg walaal? Aamina oo ay ka muuqado farxad iyo qosol googoosa ayaa igu tidhi “walaal C/laahiyow haddii aad ogaan lahayd sida aan kuu jecelahay marnaba niyadda ma aad geliseen Aamina ay kuu iman weydey, haddii aan awoodi karayo ama aan jaanis helayo marnaba kaama dul dhaqaaqeen, markastana adaan dhinacaaga taagnaan lahaa, markastana waan kula joogi lahaa, jacaylka aan kuu qabo ayaa walaal iga awood batay, wuuna igu sii fiday, wuxuna igu reebay xusuus iyo wer-wer iyo walbahaar, imikana labadeena aniga ayuu jacaylku igu daran yahay, maalmaalin ayaan kici kariwaayaa oo aan xanuun jacayl la jiifsadaa, sababta keentay in aynu habeen danbe kulano waxa weeye, hooyo ayaa ii ogolaatay in aan masaajid nagu dhow aan ku soo tukado salaadda taraawiixda, markaa aniga oo tixgelinaya jacaylka iyo baahiyaha aynu isu qabno oo ay ugu weyntahay is arag la’aantu, waxan xalkeena iyo mustaqbalkeenaba u arkay in aynu ka faa’iidaysano inta Ramadaanta , intaa salaada lagu jiro ayaan wakhtiga kuu soo hurayaa oo aan kuu iminayaa, markaa C/laahiyow sidaa ku bushaarayso, habeen danbena waan kuu imanayaa haddii ALLA ka dhigo sidaa ku seexo oo ku soo toos” aniga oo aad ugu faraxsan kulankayaga ogna sida aanu isugu bohol-yowney ayaan Aamina ku idhi “walaal caawa war fiican ayaad ii sheegtay aad iyo aadna waan ugu faraxsan ahay, kulankeena habeen danbe, koley marka aan ku arkona waan ka sii darayaa oo jacaylku wuu igu sii fidayaa, markaa walaal waxan inoo rajaynayaa kulan xiiso badan, habeenkaasina wuxu inoo noqon doonaa habeen taariikhiya” intaa markii aan Aamina ku idhi ayay hadalkii qaadatay waxayna igu tidhi “waa runtaa C/laahiyow habeenkaa aynu kulanaa wuxu noqon doonaa habeen taariikhiya albaab cusub oo kalena inoo fura, jacaylkana dhinacaaga ka adkay C/laahiyow waxan ka baqayaa in aad jacaylka igu sii deysid, waana inoo habeen danbe haddii ALLA ka dhigo iyo kulan xiiso badan, kolay waan kaa xishoonayaa oo ku eegi-karimaayo, horaa loo yidhi, Indho Is Jeceli Isma Eegi Karaan, markaa C/laahiyow haddii aan indhaha ku siin kari-waayo hayla yaabin, waa iga jacayl” sidaa ayay Aamina hadalkeedii ku soo afmeertay iyada oo afeef sii dhigatay. runtii Aamina waxay ahayd inan aad u xishood badan, anna waxan ahaa wiilkii ugu horeeyey ee Aamina la sheekaysato, weligeedna nin afka uma ay kala qaadin. waxana Aamina ku qanciyey in aanay iga xishoon ee ay igu soo dhiirato, waxayna Aamina igu tidhi “walaal intii karaankayga ah ee aan qajilaada iskaga biin karro waan ku dedaalayaa” habeenkaa Aamina waxanu ku kala seexanay farxad, waxanu ku ballanay habeen danbe iyo goob labada xaafadood u dhexaysa iyo todobadda fiidnimo. Aamina waxay jaanis haysataa muddada gaaban ee salaadda taraawiixda lagu jiro, wixii intaa ka danbeeya waxa looga fadhiyaa guri in ay in yar dib u dhacdona looba ogola. markii ay xilligii aanu balanay ay ku dhowayd ayaan Aamina tilifoon u soo diray, waxanna u tilmaamay goobtii ay iigu iman lahayd, meel kaabad ah ayaan ku idhi waan kuu sii fadhiisanayaa ee iigu kaalay. markii aan imi kaabaddii ayaan ugu imi nin fadhiya, ma kala garanayn in uu cid kula ballamay iyo in kale, mana aan odhan karayn meesha ka kac waayo, waxay ahayd meel dadka ka wada dhexaysa. markii aan ninkii cabaar ku dul wareegay welina aanay Aamina soo muuqan ayaan macmacaale aan sidaa iiga fogayn ayaan sharaab u doontay, markiiba Aamina ayaa goobtii timi iyada oo soo badh tilmaameedsanaysa kaabaddii aan u tlmaamay. Ninba Meesha Bugtaa Isagay Belbelshaa, markiiba waxa niyaddayda ku soo dhacday Aamina oo joobtii timi oo ninkii meesha fadhiyey ku moodey, si dhakhso ah ayaan macmacaalihii uga soo boodey markiiba waxan isha ku dhuftay inan dheer oo qurux badan oo ninkii dultaagan. markiiba waan gartay in ay Aamina tahay, nasiib wanaag markii hore ayaan Aamina tilmaantayda u sheegay xataa maryaha aan soo xidhanayo waan u sii sheegay, tilmaan cad ayay Aamina iga haysatey. si deg deg ah ayaan macmacaalihii uga soo boodey, nasiib darro intii aan soo socdey ayay Aamina ninkii la hadashay iyada oo aniga i moodaysa ayay markiiba ku tidhi, “Salaama calaykum C/laahi” isna wuxu ugu jewaabay “calaykum wa salaam” marnaba Aamina goobta kama filayn cid aan aniga ahayn, markiiba Aamina ninkii il-qoodha ayay ka eegtay waxayna aragtay in aanu lalahayn calaamadihii aan u tilmaamay. Balse iyada oo Aamina ku adkaysanaysaa in aan anigii ahay ayay ninkii ku tidhi “walaal miyaan raagey? Runtii nin af-miisara ayuu ahaa inta uu saacadda uu xidhnaa eegay ayuu Aamina ku yidhi “haa…. Waad yare absaantay” wuu arkay in ay tahay gabadh soo khaldantay, balse markii uu arkay quruxda Aamina ayuu damaaciyey, wuxuna la mid ahaa waraabe godkiisii adhi ugu soo galay. Inta uu Aamina la hadlayo anna waan soo ordayaa, markii aan wax yar u soo jirey ayuu kacay, wucuna Aamina ku yidhi “meesha inaka yare dhaqaaji” markii uu kacay ayay Aamina aragtay in ninkani yahay curyaan. [Laangadhe} uuna yahay nin weyn oo dadii aan u sheekay aad uga weyn yahay. Aamina markii ay aragtay ninkan curyaanka ah ayay naftiiba ka baxday, waxan isa soo barbartaagey Aamina oo ninkii kuleh “waar maxaad beenta iigu sheegtay? Isna uu leeyahay “waxba malaha walaal ee ina mari” markii aan isa soo bar-bartaagey ayay Aamina isoo eegtay aniga oo aan la hadlin ayay igaratay, markii ay aragtay in aan C/laahi ayay igu soo boodey, markii aanu isku salaanay salaan xanbaarsan kalgacal iyo naxariis ayay Aamina isku dayday in ay ninkii oo halkan taagan, oo aan weli quusan in ay la dagaalanto. Balse aniga ayaa ku qanciyey in ay faraha ka qaado, waxanna ku idhi “walaal Aamina inaka daa waa nin curnaana’e ee inaka mari” intii aanaan halkii ka dhaqaaqin ayay Aamina oo inta ay xishood ka qabto, indhaha I siin karila, indheheedana ay ilmo ku soo taag-taagantahay ayaa halkii iiga qaaday hees qurux badan oo ay iigu muujinayso in jacaylku ka dhab yahay, sida aan anigu jacaylka ugu abuuray, waxsayna ku bilowday sidan.

sidaad ii ogeyd baan
adiga moyee ragba ilaaway
sidaad ii ogeyd baan
ubax la moodyow kuu amaanaa
sidaad ii ogeyd baan
axdigeenii u adkeeyaa
miyaad ogeyn
miyaad ilawday
inaad jacaeyl igu abuurtay
uurkeygana ku darantahay
maba ilaawee

sidaad ii ogeybuu
afku hadalkii iiga xadayaa
sidaad ii ogeyd baan
ereyadadii uugu heesaa
sidaad ii ogey baan
adiga awgaa aan u ooyaa
miyaad ogeyn
miyaad ilaawday
inaad jacayl igu abuurtay
uurkeygana ku darantahay

maba ilaawee

sidaad ii ogeyd baan
ala ku aawey kuu idhaahdaa
sidaad ogeyd baan
oon aan kuu qabo
kuu il daranahay
sidaad ii ogeyd baan
aragtidaadii ku istareexaa
miyaad ogeyn
miyaad ilaawday
inaad jacaeyl igu abuurtay
uurkeygana ku darantahay
maba ilaawee
By: Awil Hussein Hasan

email : cawilsahan@gmail.com

tell : +252-90-775320

Erigavo/Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: